Kooxda Norwich oo la saxiixatay difaac uciyaarayey Rangers


Norwich--KNN--Kooxda Norwich ayaa heshiis la gaartay difaacii Naadiga Rangers ee horyaalka Scotland Steven Whittaker kaasi oo ku biiraya Norwich.



 

28 jirkaan ayaa si xor ah kaga soo tagay Rangers isagoo gaaraya maanta galinka dambe ku wajahan magaalada Norwich ee dalka England.

 

Afar sano oo heshiis ah ayaa Steven Whittaker uu la galay kooxda Norwich kaasi oo ka mid noqon doono laacibiinta ay ku xisaabtamaan.

 

Norwich ayaa ka mid ah kooxaha ugu faca weyn dalka Ingiriiska hase ahaatee sanadii udambeeyey waxay ahayd kuwa aan awood uhelin inay ka mid noqdaan heerka 1aad ee Premiershipka England ka ciyaarayey.

 

Xasan Cabdullaahi


Qeybta Sportiga KNN


Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)