Difaaca Buuxa Dodo oo ku biiray As Roma
Roma--KNN--Waxaa Tijaabo Caafimaad umaray kooxda AS Roma ee ka dhisan Caasimada Talyaaniga laacibka Difaaca Buuxa ee Dodo.
Roma ayaa kooxda Corinthians kala soo wareegtay Dodo kaasi oo si weyn shalay subax loogu soo dhaweeyey dalkaasi talyaaniga islamarkaana maanta gelinkii hore tijaabo Caafimaad umaray.
Dodo ayaa waxa baadi goobayey Kooxda Man United hase ahaatee waxa ka dul qaaday Roma waxaana uu ka mid noqon doonaa laacibiinta Xagaagan kasoo muuqan doona Serie A-da italy.
Brasiliyaankan ayaa mar uu saxaafada la hadlay waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in meel ka baxsan waddankiisa uu ka ciyaaro islamarkaana uu rajeynayo koobab wax ku ool ah inuu kula guuleysto As Roma.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








