Van Persie oo Sheegay inuu ka tagayo Kooxdiisa Arsenal
London--KNN--Hogaamiyaha Kooxda Gunners-ka Arsenal Robin Van Persie ayaa hadal naxdin geliyey Taageerayaasha kaasi oo ahaa inuu jecleystay ka tagista Arsenal.
V.Persie ayaa sheegay in waqtigii uu ku joogay Fly Emirates uu soo gaba-gaboobay sidaa darteedna uu jecel yahay inuu ka dhaqaaqo Magaalada London kooxda ka dhisan ee Gunners-ka.
Xidiggaan Weerarka Dhexe kaga ciyaara Xulka Orange-ka Holland ayaa ah kabtanka kooxda Arsenal waxaana uu ka cawday koob la’aan naadiga soo wajahay ku dhawaad 7 sanadood.
Real Madrid ayaa farxad u aragta hadalka kasoo yeeray Robin Van Persie oo diiday in heshiis kale inuu la galo Arsenal waxaana macquul ah in Real gacanta ku dhigto laacibkaasi.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








