Fabregas iyo Alonso oo fasax ku dalxiisaya dalka Indonesia


Jakarta--KNN--Laacibiinta Cesc Fabregas iyo Xabi Alonso oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii uqaaday Spain Uero 2012 ayaa fasax ku jooga dalka Indonesia.


 

Fabregas kabtankii hore ee kooxda Arsenal hadase katirsan kooxda barcelona ayaa sheegay in safar hore uu ku joogay dalka Indonesia kaga duwan yahay socdaalkaan sababo uu ku sheegay in weli xamaasadii Euro 2012 heyso.

 

Cesc ayaa waxa si weyn loogu soo dhaweeyey waddanka Adduunka ugu dadka badan ee Indonesia waxaana la sheegay in Salaanta uu la kala gaari waayey dadkii ku booqanayey hotelka uu ka deggan yahay magalada Jakarta.

 

 

Laacibka Khadka Dhexe Xabi Alonso ayaa qudhiisa farxada safarkiisa laga dareemayaa isagoo sheegay in dhamaan taageerayaashiisa Indonesia kusugan uu kaga mahad celinayo siday usoo dhaweeyeen.

 

Xasan Cabdullaahi

Qeybta Sportiga KNN

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)