Pele: Spain inan garoomada dib ugu soo laabto ayey igu qasbeysaa.


Rio Di jenero--KNN--Waayo araga kubada Cagta lagu qadariyo ayaa hadal uu jeediyey ku sheegay in Xulka La roja lagu naaneyso ee Spain ku qasbeyso garoomada inuu dibugu soo laabto.


 

71-sano Jirkaan Jaallayaasha Brazil lagu xasuusto ayaa tibaaxay in Spanishku hadda yihiin kuwo uciyaaraya sidii 1970 markii Brazil usafnaa uuna jeclaan lahaa in kulan loo balamiyo spain.
 
Inkastoo si kaftan ah usheegay Hadalkaasi Pele hadana waxa uu tilmaamay inay Spain hadda yihiin xulka Adduunka ugu ciyaarta Wanagsan.
 
“Waxaan Aaminsanahay in sidii Brazil uciyaarayeen 1970-kii inay uciyaarayaan waddanka Spain iminka hala ii balamiyo kulan saaxibtinimo ayuu hadalkiisa sii raaciyey Pele”.
 
Muuse Cabdi Cabdulle
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)