Luis Ronaldo:Xilligaan la joogo Messi ayaa ugu wanaagsan Adduunka dhinaca K/Cagta.
Rio de jinero--KNN--Ronaldo weeraryahankii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan ayaa sheegay in Lionel Messi uu yahay xidigga Adduunka ugu wanaagsan inta kubada ciyaarta.
Luis Dlima Ronaldo ayaa wareysi uu la yeeshay Tv la iska arko oo kuyaalla Dalka Brazil ayaa sheegay in codkiisa ku biirin lahaa Messi hadii la weydiin lahaa yaa uwanagsan caalamka.
“Xilligaan la joogo Messi ayaa ugu wanaagsan dhinaca kubada cagta caalamka waxaana qabaa in B’loni Di orro inuu ku guuleysan doono Messi ayuu yiri Luis Ronaldo”.
Weeraryahankaan ku caan baxay Dhinaca dhalinta goolasha ayaa la sheegay inuu hadda yahay 35 sano jir waqti kusoo qaatay kubadda cagta waxaana sanadkii 2006-dii koobkii Adduunka lagu qabtay Germany uu ka mid ahaa Waddanka Brazil laacibiintii ay lasoo shartageen walaw sanadkaasi xulka ka fariistay.
Gooysmada iyo xirfadeynta gool dhalinta waa mid ka mid ah waxyaabaha mahadhada ku noqotay inta daawatay kulamadii Luis Dlima Ronaldo iyo waayahiisa Sportiga.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








