Militriga Masar iyo Makamadda sare oo ka wada hadlaya go'aankii Madaxweynaha Masar.
Cairo--KNN--Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Qaahira ee caasimadda dalka masar kulan albaabada uu u xeran yahay ay ku qaataan golaha miltriga dalka Masar iyo maxkamadda sare ee dalkaasi waxana ay ka wada xaajoonayaan sidii ay ka .....
Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Qaahira ee caasimadda dalka masar kulan albaabada uu u xeran yahay ay ku qaataan golaha miltriga dalka Masar iyo maxkamadda sare ee dalkaasi waxana ay ka wada xaajoonayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen go’aankii madaxwaynaha dalka masar Max’ed mursi uu ku soo celiyay barlamaankii bishii la soo dhaafay ay kala direen golaha militriga iyo maxkamadda sare ee dalka Masar
Xubno ka tirsan golaha militriga iyo maxkamadda sare ee dalkaasi ayaa iyagoo ka gaabsaday magacyadooda u sheegay warbaahinta in madaxwaynaha dalka masar Max’ed mursi uu ku deg degay go’aankaasi , iyagoo sheegay in saacadaha soo socda iyagana dhankooda ay ka jawaabi doonaan go’aankii madaxwaynaha.
Max’ed mursi ayaa shalay gelinkii dambe barlamaanka dalka masar ku amray inay yeeshaan fadhiyadoodii islamarkaana ay noqonayaan kuwo sii shaqeenaya.
Arintan ayaa laga yaabaa in khilaaf ay ka dhex abuurto militriga iyo madaxwaynaha dalka Masar maadaama madaxwaynuhu uu laalay go’aankii maxkamadda sare iyo militriga.


















Mogadishu Time








