Koofi Anan iyo bishaar Al-asad oo is arkaya.


Damascus--KNN--Ergayga loo xilsaaray xallinta dhibaatada ka taagan dalka siiriya ee koofi anan oo ku sugan magaalada dimishiq ee caasimadda dalka siiriya ayaa maanta lagu wadaa ....


Ergayga loo xilsaaray xallinta dhibaatada ka taagan dalka siiriya ee koofi anan oo ku sugan magaalada dimishiq ee caasimadda dalka siiriya ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxwaynaha dalka siiriya bishaar al asad oo ay ka wada hadli doonaan sidii loo joojin lahaa rabshadaha muddada 15ka bilood ah ka taagan dalka siiriya.

 

Mr anan ayaa sheegay in bishaar al asad maanta uu kala hadli doono sidii loo dhisi lahaa xukuumad KMG oo dalka siiriya uu yeesho si loo joojiyo dhiiga ku qubanaya dalka siiriya.

 

 Waxana dhinaca kale madaxwaynaha dalka siiriya bishaar al asad oo la hadlay TV ku yaala dalka jarmalka uu sheegay inuusan ka degi doonin xilka madaxtinimada dalka siiriya , isagoo ku eedeeyay dowladaha turkiga , maraykanka , sacuudiga iyo qadar iany hubeenayaan mucaaradka dowladdiisa ka soo horjeeda.

 

Dalka siiriya ayaa weli waxaa ka taagan rabshadihii ka bilowday bishii March ee sanadkii tagay.


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)