Maxkamadda sare ee Masar oo u digtay barlamaanka dalkaasi.
Cairo--KNN--Maxkamadda sare eee dalka masar oo ka soo horjeesatay goaankii madaxwaynaha uu ku soo celiyay barlamaanak dalka masar ayaa waxa ay barlamaankaasi uga digtay inay .......
Maxkamadda sare eee dalka masar oo ka soo horjeesatay go’aankii madaxwaynaha uu ku soo celiyay barlamaanak dalka masar ayaa waxa ay barlamaankaasi uga digtay inay yeeshaan fadhiyadoodii caadiga ahaa.
Dr xasaam ciise oo ah macalin dhiga maadada sharciga kana mid ah mas’uuliyiinta maxkamada sare ee dalka masar ayaa sheegay in barlamaanka hadda jira uu yahay mid intiisa badan aan ku imaanin hab sharci ah , isagoo sheegay in hadii ay fadhiistaan ay noqonayso ku tumasho lagu tumanayo sharciga dalka masar .
Barlamaanka oo shalay yeeshay fadhigiisii ugu horeeyay ayaan la ogayn sida ay ku yeelan karaan fadhiyo kale maadaama maxkamadda sare ee dalka masar ay soo saartay digniintan iyaga ku wajahan.
Max’ed mursi madaxwaynaha dalka masar ayaa todobaadkan ku dhaqaaqay go’aan geesinnimo leh , isagoom dib isugu soo celiyay barlamaankii bishii la soo dhaafay la kala diray.
Waxana go’aanka madaxwaynaha dalka Masaru uu dhaliyay muran badan oo ku aadan dhanka sharciga .


















Mogadishu Time








