Mareykanka oo diiday in iraan uu kala hadlo arimaha Syria.
Washington--KNN--Afayeen uhadlay aqalka cad ee looga arimiyo dalka maraykanka Jey carney ayaa sheegay in maraykanku marnaba uusan iiraan kala hadli doonin xaaladda murugsan ee ka taagan dalka siiriya .
Afayeen uhadlay aqalka cad ee looga arimiyo dalka maraykanka Jey carney ayaa sheegay in maraykanku marnaba uusan iiraan kala hadli doonin xaaladda murugsan ee ka taagan dalka siiriya .
Jey carney i ayaa sheegay in dowladda iiraan ay tahay dowlad ka biyo diidan joojinta nukleerka ay samaysanayo islamarkaana garab taagan dowladda uu madaxda ka yahay bishaar al asad ee ka arimisa dalka siiriya.
Hadalka ka soo baxay dowladda maraykanka ayaa ku soo aadaya xilli ergeyga loo xilsaaray xallinta dhibaatada dalka siiriya uu wado kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta dowladda iiraan oo uu kala xaajoonayo sidii loo hagin lahaa dhibaatada ka taagan dalka siiriya.
Dhinaca kale maanta ayaa lagu wadaa in koofi Annan uu hortago Golaha amaanka ee QM islamarkaana uu ka warbixiyo kulamadii uu la soo qaatay madaxwaynaha dalka siiriya , mas’uuliyiinta dowladaha iiraan iyo ciraaq.
Dowaldda Ruushka ayaa sidoo kale markii ugu horaysay waxa ay qorsheenaysaa in golaha amaanka ee QM ay horgayso qaraar ku aadan dalka siiriya oo aan ku xusnayn cunaqabatayn ka dhan ah xukuumadda dimishiq


















Mogadishu Time








