Ciyaar lagu Xasuusanayey Madaxii CRD oo Galabta ka dhacday Muqdisho


Muqdisho--KNN--Garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho ayaa galabta waxa lagu qabtay kulan ciyaareed lagu xasuusanayey Madaxii hore ee CRD Allaha unaxariistee C/QaadirSh.Cali Yaxye


Ciyaarta oo dhexmartay Kooxaha LLP Jenyo iyo Naadiga K/cagta ee Dekadaha oo hore loogu  aqoon  jiray Kooxdii  Badda ayaa  kusoo dhamaatay  waqtigii  loogu talo galay bar bar dhac 1-1 ah.

 

Ciyaarta ayaa  bareejadaasi  kadib waxa labada kooxood waxa lagu kala saaray gool ku laadyo rigoorayaal ah waxaana 5-4 ay guusha ku raacday Kooxda Dekedaha.

 

Wasiir dowlaha gaadiidka,cirka,dekadaha Siciid Maxamed Jaamac(qoorsheel) ayaa sheegay inay farxad utahay ka qeyb galka kulankaasi lagu xasuusanayey halyeeygii  ladilay  ee C/qaadir Yaxye.

 

Qorsheel  oo hore usoo  maray kooxda LLP Jenyo ee galabta magacooda  kooxdii ku ciyaareysay laga adkaaday ayaa uhambalyey Naadiga Badda ama Dekedaha oo wasaaradiisa hoostagta.

 

Sidoo kale kulan ciyaareedka markii uu soo idlaaday waxaa isna saxaafada la  hadlay C/llaahi Sh.Cali (Qaloocoow) oo ah wasiiru dowlaha Wasaarada dhaliyarada iyo Sportiga DKMG isagoo umahad celiyey dhamaan intii kasoo qeyb gashay ciyaartaasi.

 

C/qaadir Yaxye ayaa sanadkii 2005-tii waxa kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada muqdisho waxaana maanta laga joogay dilkiisa 7 sano iyadoo sanad waliba maanta oo kale la qabto munaasabado dadka lagu xasuusinayo waxqabadkii uu lahaa  madaxii hore ee CRD.

 

Xasan Cabdullaahi

Qeybta Sportiga KNN

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)