Maraykanka oo ka digay qatarta Shabaab iyo burcad badeeda


Washington--KNN--Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ugu baaqday Muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Caalamka inay ka foojignaadaan Xarakada Al Shabaab iyo burcad badeeda Soomaalida.



 

War ka soo baxay  wassaarada arimaha dibada dowladda maraykanka ayaa waxaa digniin loogu jeediyay dhamaan muwaadiniin Maraykanka  ka joogta wadamada caalamka oo ay ku jirto Soomalia kuwaas oo looga digay in ay ka foojignaadaan weeraro kaga yimaada waxa maraykanku uu ugu yeero argagixisada iyo kooxaha burcad badeeda soomaaliada.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa warkeeda  ku  sheegay in ay aad uga walaacsan tahay amaan darada iyo qaraxyada ay kooxaha argagixida   geysanayaan kuwaas oo ka dhacaya caalamka suurto galna ay tahay in lala eegto muwaadiniinta Maraykanka ah oo socdaalada ku maraya caalamka gaar ahaan wadamo ay ka mid tahay somalia iyo kenya oo si gaar ah warbixinta ka soo baxday wasaaradda arimaha dibadda dalka maraykanka ay u xustay oo ay sheegtay in Al shababka somalia iyo burcad badeedda soomaaliyeed ay abaabulayaan weeraro , qaraxyo iyo afduub ka dhan ah muwaadiniinta maraykanka ee ku sugan somalia iyo kenya .

 

“Waxaan idinkaga digeynaa inaad badisaan safarada oo aad aadaan goobaha dalxiiska iyo goobaha cibaadada, waxaan sidoo kele idinku boorinaynaa inaad badisaan fariisiga goobaha dadku ay isugu  yimaadaan sida maqaayadaha , hoteelada iyo goobaha kale “ayaa lagu yiri warka ka soo baxay  wasaaradda arimaha dibadda dalka maraykanka , iyadoo intaasi la sii raacsiiyay in muwadiniinta wata doomaha dalxiiska ah aysan u dhawaanin biyaha somalia .

 

Saraakiil ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda dowladda maraykanka ayaa sheegay inay soo gaareen fariimo digniino oo kaga yimid Xarakada al shabaab iyo kooxaha burcad badeedda soomaalida kuwaas oo muujinaya abaabul falal argigixisinimo ah.


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)