Diyaarad Mareykanku uu leeyahay oo ku bur burtay Gacanka Beershiya.


Manama--KNN--Sida ay ku waramayaan ilo ku dhow dhow taliska ciidamada badda dowladda Mareykanka ee ku sugan gacanka carabta diyaarad helicopter ah oo ay saarnaayeen ......



Sida ay ku waramayaan ilo ku dhow dhow taliska ciidamada badda eek u sugan gacanka carabta diyaarad helicopter ah oo ay saarnaayeen shan ka tirsan ciidamada badda dowladda mareykanka ayaa ku bur burtay gacanka beershiya xilli ay sameenaysay howlgallo.

 

Askartii saarneyd ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood ay dhinteen halka kuwo kalena loola cararay isbitaal ku yaala dalka baxreen sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada cirka dowladda baxreen.

 

 

 

Dowladda mareykanka ayaa sanadihii la soo dhaafay waxa ay kordhisay tirade gaadiid badeedka dagaalka ah oo ay soo dhoobayso Gacanka beershiya sababo la xiriira cabsi ay ka qabto in iiraan ay xerto Marinka Hurmuz.


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)