Fardo la isku hayo la iskuma faansho (Faallo)
Muqdisho--KNN--Inkastoo caqabado waa weyn ay ku horgudban yihiin doorashada dalka ee soo socota hadana waxaa la filayaa in aad loogu loolami doono.
Taariikhaha doorasho ee soomaaliya marka dib loo milicsado waxaa kuu soo baxaya in dadka dalkan aanay weligood nasiib u helin in sanaadiiq ay warqado ku ridaan oo ay codkooda wax ku doortaan
laakiin jamhuuriyadii ugu horeysay ee soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa alaha u naxariistee aadan clle cusmaan aadan cade waxa wax doortay baarlamaan uu shacab soo xulay isla madaxweynahaasi ayaa loogaga adkaaday doorasho madaxweyne oo ay garwadeen ka ahaayeen baarlamaankii lasoo doortay taasi ayaana soomaaliya ka dhigtay dalkii ugu horeeyay ee afrika ee ku faana hirgelinta dimuqraadiyada iyadoo aanu shacabka si toos ah ugu lug lahayn
Waa taariikh lagu tilmaami karo qof hanti lahaanjiray hadana kufaanaya waxii uu lahaa isagoo ka ceyrtoobay.
In ka badan nus qarni ayaa hada laga joogaa inta shacabka soomaaliyeed aan laweydiin sida loo maamulayo dalkooda hadana waqtiga kala ayaan roone beri baa lagu faani karaa nidaamkii jiray isagoo doorasho iska daaye inqilaab cad ku yimid waana mid kamid ah xiliyada ay hada soomaalida u taqaano beri samaad
Markii qaran nimada dalka uu mugdiga galay sanadii 91 waxii ka danbeeyay waxaa hadba dalka dibadiisa lagu soo qooshayay dowlado u badnaa fadhiid iyaga un is curyaamiyay waxa ay mataleena ka fogaa danaha qaranka iyo dadkan dhibanaha noqday, waxaana ladhihi karaa waxay haadaan kasii tuurayeen rajada shacabka.
Dowlada KMG ee waqtigii ay dhici lahayd hada ay maalmaha uga hareen intii ay jirtay waxa la oran karaa waxay kulan satay labo arin oo aney helin kuwii iyada ka horeeyay
Tan hore waxa ay tahay iyadoo qaabishay kadib soo noqodkeedii mucaaradkii ugu adkaa ee dalka soo mara oo ah al shabaab tan xigtana taageero rumaad iyo isgarab tag ay ka heshay beesha caalamka oo dowladihii hore si muuqata ugu labo wijiileyn jiray.
Taageeradaasi waxa ugu waaweynaa dhinaca siyaasada, maaliyada iyo dhinaca Meleteri oo ay wakiil ka yihiin AMISOM la’aantoodana uu al shabaab dalka gacanta u gali lahaa
Qaramada midoobay ayaa abuurtay hanaan loogu magacdaray roadmap oo dalka kumeelgaarka dilooday looga saarayo qorshaha waxa uu yahay in waqti hada inoo jira 23 cisho in dhamaan howshaasi lasoo idleeyo laakiin sida waxa ay u socdeen waayahaan waxay u muuqataan in caga jiid uu jiro dhankuu doono haka yimaadee.
Doorsahada soo socota ee dalka waxa ay leedahay wax ay uga gaar tahay kuwii hore iyo qaar ay kala mid tahay
kuwa ay kala mid tahay hadii aan ku hormaro waxa wax dooranaya waa baarlamaan baarlamaankuna maaha mid ay shacabka soo doorteen ee waa mid lasoo xulayo oo aan siniba gacanta siyaasiyiinta aanay uga marneyn
laakiin lama hubo nooca uu ahaan doono baarlamaanka soo socda hab dhaqankii baarlamaanadii iyo hogaanadoodii ugu dambeeyay ayaa sababtay in si weyn looga amin boxo howsha ay hayaan.
waxa kale oo doorashadaan ay kuwii hore kala mid tahay in faragelinta shisheeye ay sideedii tahay hadii aanay ka buurneyn iyadoo ay taa adkeyneyso in qof aan lala rabin uu soo boxo
Dhinaca kale doorashadaan waxa badan astaamaha ay kuwii hore kaga duwan tahay waa tan horee waxa lagu dhisayaa jamhuuriyadii labaad ee soomaaliya oo looga guurayo kumeelgaar loona gudbiyo jamhuuriyad buuxda
Waxa ay doorashadan ka dhaceysaa gudaha dalka gaar ahaan caasimada waana arin lagu faani karo
Doorashadan waxa raali ku ah inta badan siyaasiyiinta hada hogaamiya maamulada dalka ka jira marka laga reebo Al shabaab iyo soomaaliland oo iyaga aad uga fog waxa jira taasina waxa ay yareyneysaa ooraahda caanka baxday ee looma dhama.
Doorashadaan waxa ku hanweyn in ay ka qeybgalaan musharixiintaa ugu badnaa oo isgu jira siyaasiyiin hore kuwa hada taagan iyo aqoonyahano masraxa ku cusub iyana miizaankeeda ayay wadataa.
Laakiin si guud habka doorashadaasi loogu diyaar garoobayo waxa ka muuqata in wax waliba hab fadhiid ah oo malaha loogu talagalay inay wax u socdaan
Mareykanka oo ugu muruq kuusan dowladaha caalamka kuna faana dalka koobaad ee dimuqraadiyada waxa doorashadiisa madaxtinimo ka qeybgala labo musharax oo kaliya olalaha doorshadana waxa ay bilowdaan labo sano ka hor xiliga doorshada si musharixiinta ay siyaasadooda uga gadaan dadka wax dooranaya
taa ulama jeedo inaan isbarbardhig ku sameynayo labo duni oo iska warqabin ee u jeedkeygu waxa uu yahay noocwaliba oo doorashada soomaaliya ay tahay waqti intee le eg ayay u baahanyihiin musharixiinta inay ololo u sameeyaan siyaasadooda.
Waxa doorashada ka dhiman inkabad labaatan cisho majiro meel ay musharixiinta iska diiwaan geliyaan lama dhisin gudiyadii doorashada lamana soo xulin baarlamaankii wax dooran lahaa xaalka ayaa u eg in si ula kac ah albaabada loo xirtay
Musharixiinta qaar waxa ay ku eedeeyeen in madaxda dowlada ee doorshada ka qeybgalaya ay kanbenkooda u adgeesanayaan isticmaalka hantida dowlada sidoo kalana isku gaaryeeleen in siyaasadohooda ay ku soo bandhigaan warbaahinta qaranka.
Madaxweynaha dowladda kumeelgaarka ayaa jawaab ficil ahaan u muuqatay arintaa ka bixiyay isagoo munaasabad uu isku soo bandhigayay ku qabtay hotel gaar loo leeyahay warbaahin ahaan si toos ah u isticmaalay tv dowlada ka madaxbanaan
Dadka qaar waxay kuu sheegayaan in sida ay wax u socdaan ay adag tahay in uu isbedel ku yimaado hogaanka dowlada si waliba oo doorasho loo qabto
Laakiin doorashada ayaa ahaan doonta mid lagu loolamo waayo waxa ka qeybgalaya musharixiin wax gilgili kara.
Dhinaca dowlada waxa isa soo sharaxay madaxweynaha, afhayeenkii baarlamaanka iyo reysulwazaarahana inkastoo aanay cadeysan hadana hadalheynta waa si lamid ah madaxweynaha.
Dhinaca kale waxa taagan rag ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geedi, Maxamed c/laahi maxamed farmaajo, C/laahi Axmed Cadow, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Jenaraal Maxamed Nuur Galaal iyo siyaasiyiin kale oo horay xilal u soo qabtay
waxa iyana tobanaan ka badan aqoonyahanada dibada ka yimd iyo qaar dalka ku sugnaa oo iyana qabashada xilka madaxtinimada ku hanweyn.
Waxa jira shax siyaasadeed oo musharixiinta qaar ay ciyaarayaan gaar ahaan kuwa hada ku lugta leh fulinta rodmaabka waxana uu musharax walibahi uu wataa shaqsi uu doonayo inuu ka dhigo gudoomiyaha baarlamaanka cusub si uu uga digtoonaado in nin ay meel kasoo wada jeedaan uu xilkaasi qabto ayna u fududaato inuu siyaasada baarlamaanka soo socda la wareego taa oo jaranjar u ah hamigiisa siyaasadeed waana arin jilaafo ku noqon karta hamiga qaar ka mid musharixiinta.
Hadaba soomaalida waxa ay tiraahdaa farada lusu hayo lisuma faanshee waxa doorashada ka dhiman waa maalmo waxana laga warsugayaa waxa ay natiijada noqon doonto masidii hore oo qofkii lala doonayaa dalici doona mise wax ka duwan baa iman doona. W/D: Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan)


















Mogadishu Time








