DUCO-LONDON-2012


Muqdisho--KNN--INDHAHEENA WAXAY KU TOLAN YIHIIN LONDON


 

 

Waa hubanti in aad loogu wada han weyn yahay natiijada orodada ka dhici doona London inta u dhexeysan 3-da illaa 10-ka Agoosto ee sanadka, halkaas oo ay ku sugan yihiin wiil iyo gabar Soomaaliyeed oo u kala tartamaaya orodada 1500m ee ragga iyo 400m ee dumarka.

 

Wada jir aan loo kala harin, niyad sami, taageero iyo duco ayaa dhan walba oo dunida ka mid ah ee ay Soomaalida joogto ku garab istaageen Orodyahanadda Soomaaliyeed ee Zamzam Maxamed Faarax iyo Orodyahanka Maxamed Xasan.

 

Farxad iyo niyadsami aysan filaneyn ayey la kulmeen lamaanahan calanka Soomaaliyeed qotomiyey fagaarihii uu mudnaa ee London, kuwaas oo inta aysan ciyaaraha furmin 27-kii Luulyo, xaflado Soo dhoweyn ah loogu sameeyey London, iyo weliba qado sharafyo xiise badan.

 

Marka aan leeyahay Indhaheena London ayey ku tolan yihiin, dadka Soomaaliyeed ee dhaqanka baritaara waxay u qaadan karaan in onkodka roob mahiigaan ah uu naga soo xigsaday dhanka London amaba sahankii naq raaca ahaa uu inoo ishaaray in dhanka London loo jiheysto.

 

Tanina sifooyinka lagu garan karo waxaa ka mid ah in Geela guyaadka ku dheeraaday marka xilli roobaadka la gaaro deegaankiisana aysan weli dhibicda roobka ku soo hoorin xilliga baryo qaadkiisa uu wajigiisa aadiyo dhanka uu ka udginayo wax uun saxansaxo ama seyr ah.

 

Laakiin taasi ma ahan xilligan oo saxansaxada dhanka London shacbiga Soomaaliyeed ka soo xigsatay waa guusha laga filan karo fagaaraha orodada, iyadoo ay si kalena noqon karto.

 

Niyadsamidaas ay muujinayaan dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool Muqdisho, Hageysa ama Jabuuti, kuwa ku rafaadsan xerooyinka qaxootiga iyo kuwa qurbaha jooga intaba wax kuma soo kordhin karto guul iyo guuldarro waxa ay la kulmi karaan Orodyahanadeeda calanka inoo qaaday.

 

Balse waa tii waayo aragga ummadda ay horey u yiraahdeen “Qosolba Hiillo wuu galaaye” Niyadsamida weyn iyo mashxaradaha tirada badan waxay kor u qaadayaan niyadda Zamzam iyo Maxamed oo hadba sida ay u tallaabo qaad dheereeyaan iyo sida ay murqaha lugahooda uga shaqo wanaagsanaadaan tartamayaasha kale ay ku xiran tahay natiijada ay filaneyso ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ay tii Rabbina meesheeda tahay.

 

Safarkan Maxamed iyo Zamzam ay Calankeenii ku geeyeen London wuxuu mideeyey dareenka Ummadda Soomaaliyeed ee kala qeybsanaantu ay dilootay, wuxuuna kor u qaaday jaceylkii loo hayey calanka oo haatan laga dheehan karo in Xilligii Abshirta Ummaddan ee ay dhibka ka bixi lahaayeen uu soo dhowaaday, tanina waa guul ka weyn in billad laga soo qaado London oo uu keenay safarkooda.

 

Daliilaha loo heli karo in ay ummadda u midowday taageeridda iyo u hanweyninka Zamzam iyo Maxamed waxaa ka mid ah sida ay bulshada wax garadkeeda iyo warbaahinteedaba ugu istaageen dhiirigelinta labadan dhalinyaro ee matalaya Qarankan ay daruufuhu hareeyeen ee rajadiisa bidhaameyso.

 

Tusaale ahaan

 

1.    Muqdisho Raiisal Wasaaraha Dowlada KMG-ka ay ayaa wuxuu Zamzam iyo Maxamed u sameeyey xaflad sagootin ah oo aad u wanaagsan, iyadoo dhamaan warbaahintana laga baahiyey.

2.    Markii ay London Yimaadeen waxaa lagu soo dhoweeyey jawi u dhigma heer qaran oo xitaa soo jiitay dadyowgii kale ee tartanada u imaanayey.

3.    Gabadhan iyo wiilkan Soomaaliyeed waxay heleen taageerada ugu badan ee qof Soomaaliyeed shacab Soomaaliyeed ka helo muddaddii 20-ka samo aheyd ee uu dalku ku jiray jahwareerka.

4.    Fanaanada codka macaan ee Halyeeyada Hibaaq Maxamed Cabdullaahi ayaa waxay u qaaday hees dareenka dadka oo dhami qabsatay oo Social media-hana ku dhex faaftay, heesta ereyadeeda waxaa ka mid ah:

Allahayow Tisqaadnayee,
Tubta Orodka Dheer Iyo
Basket Gacanta Tuuriyo,
Calan Wadaha Toosiya,
Oo Tilmaanta Bixiyaha,
Guusha Kama Tageyneeeee.

Tu Kastaba Ka Badiyooo,
Taajirow Allahayow,
Taariikhda, Taariikhda
Taariikhda Noo Geli....Aamiin

Tiigsada asaagiin
Soomalaad u tihiin guul
Halkii aad ku toostaan,
Kuma turun turootaan,
Tuur goolka Tuuuur,
Tuur goolka tuuur,
Shabaqana ku tooosi
One, two three…Gool

5.    Aniga qoraaga ah ee hadda qormadan labaad idin soo qoraya ayaa qalinkeyga ugu hibeeyey maqaal aan ugu macag daray MA MILICDEEN XALAY MANA JIRIRICOOTEEN!! Kaas oo qiirada iyo dareenka dadka ay ka muujiyeen ay igu dhiirgelisay inaan qalinkeyga marnaba xinqaastu ka dhamaan inta ay tartanka ku jiraan walaalaheena Zamzam iyo Maxamed.

 

Daliilaha kale ee muujinaya midnimadda ummadda ee ku heeran safarka Zamzam iyo Maxamed waxaa ka mid ah in xitaa ururka Al-shabaab ay ka xishoodeen in ay cambaareeyaan, maadaama lagu bartay inay cambaareeyaan wixii ay taageerto dowladda KMG-ka ah.

 

Haddii aan kaftamana waxaa dhihi karaa waa hubanti biyo kama dhibcaan ah in xitaa ay burcad badeeda ka xishoon lahayd in ay afduubtaan markab ay la socdaan Zamzam iyo Maxamed haddii uu lacala soo maro xeebaha dalka.

 

Haddaba, Zamzam iyo Maxamedow, maxaan idinka fileynaa, ma guul oo kaliya? Jawaabtu waa maya, waxa aan idinka fileynaa in aad muujisaan in orodyahankeena uusan ka liidan kuwa kale ee caalamka, sababtoo ah Siyaasigeena wuu ka liitaa siyaasiinta kale ee caalamka, Aqoon yahankeena wuu ka liitaa aqoonyahanka caalamka, sheekheena wuu ka liitaa shuyuukhda kale ee caalamka, haddii aysan ka liidan maanta dalkeena sidan uma burbursanaadeen.

 

Guushu, kaliya ma ahan inaad bilad soo qaadaane waa in aad muujisaan in aad tihiin dad karti leh oo tartan gali kara, 1000 oo wada ordeysa ayaa sedax oo kaliya ay bilado qaadayaan, taasina ceeb ma ahan, laakiin waxaa la idinkaga baahan yahay in aad muujisaan in nasiibku idinka hiiliyey ee aysan tabartiinu raad ku yeelan natiijadda aad keeneysaan.

 

Ma ilowsanin in aad ka timaadeen Somalia oo idinka oo rasaas wiifto ah ka gambanaaya, kabaha aad subixii ku orodeen dhaqaya galabtiina iyag uun ku ordeyseen oo aadan heysan wax idin bedela, nolosha kalena iska aheyn tan dadkeena oo dhan ay ku jiraan ee ah hel loo waay, hase yeeshee waxaa faraska usha loogu dhuftaa inuu orodkiisa orod ku daro, caawo ayeyba maahmaahdani aad u haboon tahaye.

 

Waxaan doonayaa inaan ku soo gabagabeeyo hal codsi, haddii aad tahay qof ay indhiisu ku tolan yihiin London oo Guul u rajeynaya Zamzam iyo Maxamed, guushaasna aad u aragtid inay tahay guul ay ummaddu leedahay, emailkan ku soo dir duco gaaban, ALLOW GUUL SII!!

 

Haddii ay emailada ducada ah ay gaaraan 500, inta soo dirtay magacyadooda waxaan ku soo daabici doonnaa shabakadaha muhiimka ah, iyagoo taariikhda qeyb ka gali doona.

 

Emailkan ku soo hagaaji fariimahaaga Abukar.albadri@gmail.com

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)