Xilliba Xilli hadda iyo Xildhibaan Cusub!!!


Muqdisho--KNN--Waxeynu wada Ognahay in dhawaan uu soo idlaaday shirkii Ergada ee Ansixinayay Dastuurka qabyo Qoraalka ahaa ee loo dajiyay in lagu dhaqmo xilliga nagu soo aadan hadduu Alle idmo, kasoo ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed ee ka doodayay Mudadii Todobaadka aheyd, Soomaalidana isku Raacday in uu noqdo Dastuurka dalka.


dhegaha Bulshada Soomaaliyeed ayaa haatan u diyaar garoobaya in ay Ogadaan Beel waliba Xubnaha ay u soo xulatay, in uu u qabto Jagada Xildhibaanimo, Aayna in ay dirbiyada kula fadhi diriraan qiyaasyada ay noqondoonaan Xubnahaasi u Xulan in ay noqdaan  Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Ka gudub haddii aan is weydiino ay caadada ka dhigteen xildhibaanada siilicaya ama kuwii kale ee horay u jiray Kana midka ahaa KMG ka mexaa ka mid ahaa:-

 

1-   Cod Gadasho, ha ahaato mid Barer ah ama ba Mid qarsoodi ah

 

2-    Is eedeen joogta ah ha ahaato mid gudohooda ah  ama ba hey’adaha kale ee Dowladda.

 

 

 

3-   U Kala safashada ay u kala safanayaan masuuliyiinta sar sare ee is qooma, iyadoo aad mooda in aysan ma’uuliyad saarneyn.

 

Ka gudub Arintaasina uma baahna ka sheekeyn dheer balse haddayee taagantahay Xildhibaan cusub, kuwaasi oo ay bulshada is weydiinayaan sida ay noqon doonaan, kuna waacsanyihiin wal walka ay ka qabaan in ay racaan wadadii kuwii horre iyo waddo ka xun.

 

Bulshada soomaaliyeed ayaa ah maanta dad la soo dhex dhigay dhismaha dowladnimo lagana doonayaa in ay iyaga gacantooda ku dhisaan dowladda Jamhuuriyadda soomaaliya oo ka maran magacii dhagaha naga dhibay ee ahaa K.M.G.

 

Sida muuqata hadda waxaa soo baxay walaac laga qabo qaabka loosoo xulayo, iyadoo ay odayaasha dhaqankana qaarkood sheegayaan in lagu faro galinayo howshii loo diray ee aheyd in ay dhaqanka soomaaliya soo xulaan baarlamaanka soomaaliya ee ah udub dhexaadka dowladda.

 

In yar eeg ma jiraa in nin shaqo loo dhiibay ee haddane lagu faro galinayo, jawaabtu waa haa waa nin shaqsi adeejiyay oo loo dhiibay shaqo gaar ahaaneyd, balse midaani waa mid ka duwan taa sababtoo ah howshaani adiga laguu dhiibay waa in aad dhexda ka dhigtaa dadkii aad ka soo jeeday ninkii la isku raaco ee ay dadkaaga doorteen aad soo gudbisaa.

 

Balse maahan arinta sidaasi oo ah qaabkii loogu tala galay ee waa in xitaa uu dhaqankii gor gortan la galoyo rag u dhashay beesha uu ka soo jeedo kii u u arko in uu danbadan ku qabo uu soo gudbiyo, taasina waxey keeneysaa in ay timaado faro galinta laga sheeganayo.

 

Xilliba Xiili hadda iyo xildhibaan Cusub macnaha ku hoos jiro ayaa ah in shacabka soomaaliyeed ay Xilli Xilli u galayeen marxaladooyin kala duwan oo u badan nolol Xumi Balse haatan ay Xildhibaan qaabka Soo Xulistiisu tahay Mid odayaasha soo xulaya lagu kala gadanayo in soo xulista baarlamaanka ay keeni karto in Baarlamaanku noqdo Suuq ganacsi oo lagu kala gadanayo danaha shacabka soomaaliyeed ee mudada ku dhow nus qarniga ku jiro dhibaato.

 

Ugu danbeentii shacabka soomaaliyeed oo ah dad waqti dheer la soo galayay xaqooda ayaa haatan u muuqda kuwa ay u bidhaameeyso nolol cusub mar haddii ay Dowladdnimada ay ka baxeyso KMG, waxaase naxdin ah in baarlamaanka mudada 4 Sanno ee ka Bixista KMG ay Xulistiisu noqoto Mid faraha la gasho is qab qabsi u dhaxeeya odayaasha dhaqanka, Saxiixayaasha Rood Mop-ka, iyo rag ganacsadayaal ah oo doonaya in ay gataan Xilka baarlamaan si ay u ganacsadaan.

 

Waxaa Qorray najiib cali Cumar

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)