Madax wayne shariif oo degmooyin hor leh magacaabay


Muqdisho --KNN--Madaxweynaha DFKMG-ka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa degmooyin cusub u aqoonsaday Deegaannada karaaban iyo Dhuurey oo ku yaala ...


 

Madaxweynaha DFKMG-ka ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa degmooyin cusub u aqoonsaday Deegaannada karaaban iyo Dhuurey oo ku yaala Gobollada Gedo iyo Bakool.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka  Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta Waxaa uu u shaaciyay saxaafadda in Madaxweynaha Soomaaliya wareegto kasoo baxday degmooyin loogu aqoonsaday Dhuurey iyo Karaaban oo ka kala tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan hay’adaha kale ee dowliga ah in ay dhammeystiraan adeegyada kale oo ay u baahanyihiin bulshada soomaliyeed

 

Maalin ka hor ayay ahayd markii shir ay yeesheen golaha wasiirada xukuumada KMG ah  oo uu shir gudoominayay Ra iisul Wasaaraha C,wali Gaas waxaa ay uga soo hor jeesteen degmooyinkii uu Magacaabay Madax waynaha Dowlada Shariif Shiikh Axmed ayna ku tilmaameen in dhamaan wixii degmo ah ee uu madax waynuhu magacaabay wixii ka dambeeyay 1 july ay sharci daro yihiin taas oo muujineysa khilaaf aan qarsooneyn oo ka dhex jira xukuumada iyo madax waynaha .

 


Community Comments
Madax weynaha isku sheega shariif baqti wuu waashay
Posted by Wariye xasan maxmed cali xasan xiimow on 8/11/2012 5:11:19 PM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)