Hiiliyaasha aan loo hiilinin!!


Nairobi--KNN--Suxufiga oo hadlaya...


 

 

Mihnada Saxaafadda waa Howl Jihaad u dhiganta, waayo Waagii baryaba waxaan la kulanaa qatar, waxaan ka warhayna oo kaliya goorta aan guriga,iyo xafiiska shaqo aan ka baxayno  ee ma ogin  inaan Nabad Guriga ugu laabanayno iyo in kale.

 

Suxufigo waxaa uu u hiilanyahay umadda,hormarkeeda, in uu ku xiro aduunka kale,in uu u soo gudbiyo waxa jira oo dhabta ah, laakiin su'aasha aan jawaabta u waayay ayaa wxaa ay tahay Umaddeena miyaan ka mudanahay in hortooda nalagu dilo ,nalagu handado,nalagu dhaawaco ,miyay san ahayn in markooda ay noo heeliyaan?!

 

Bil kasta,sanad walba iyo sacadkasta maxaa ka dhigay wariyaasha soomaaliyeed in la ugaarsado sidii duur joogta oo kale? ma garan karo wax aan ka ahayn dabar-goyn sidii inaan nahay cudur dadka ku dhacay oo laga cirib tirayo.

 

Saxaafadda Xorta ah ee madaxbanaan soomaaliya waxaa ay u horseedeen Hormar aan la dabooli karin,ee waxaan jibinay Record-kii ahaa Arag maqal afkana xiro,waxaan mudniin in nalgu abaal maryo ee ma'aheen in nalgu dilo,oo nalugu argagax giliyo!

 

Dadkeena qaar waxay u arkaan Suxufiga hadii uusan sheegin wax iyaga ka qosliya in uu yahay mid Dandooda ka soo horjeeda,waxayna bilaabayaan hanjabaado ah in markale la sii daynin warkaasi,marka ma waxaa jiri doona qof is hor istaagi kara in soomaaliya aanay ka jirin Xoriyad Saxaafadeed!

 

Yaa nadilaya ,maxaase na loo dilaya ,waa su'aal da'wayn oo daalisay maskaxdeyni hadii aynu nahay wariyaasha soomaaliyeed, waayo ilaa iyo haatan waan garan la'anahay sababtaas, laga soo bilaabo  1992dii ilaa iyo haatan 2012ka waxii tacadi ah oo nalo geestay ma jirin cid lo soo qabtay iskaba daaye in la soo qabte ma jirin cid dabagashay !!! Tani ma waxaan u fasiranaa in aan marti ka nahay dalkeena,dhulkeena oo aanayn jirin cid garab na siisa?

 

waxaa run ah in aan dadkeeni dhibaatada ku habsatay aan qayb ka nahay ,laakiin dhagaysto,iyo akhriste dareenkaagu siduu noqon lahaa ,hadii aynu ku dhahno waxaa jira qaar naga mid ah oo ubadkooda,lagu ogoontayay falkaasi naxariis daradaha ah, xaasas badan ay saygooda ku waayeen xaqdaradaas, waliba dharaad cad bulshadeena dhexdeeda gacan ka xaqdaran ay ku dishay!

 

Intaas waxaa ka sii yaab badan ma jirin ,Dowlad, Ama hay'adaha u dooda xuquuqda wariyaasha oo Falalkaas Argagixisada ah Baaris ku sameeyay Habayaraatee !

 

Qaarkeen oo ka badbaaday dilalka loo geestay saaxiibadeen ayaa shaahid ku arkay in intabadan dilaayaasha wariyaasha ay isku qaab adeegsadaan,kaasi oo ah in sedex ama la qof ay qofka wariayaha ay ku soo weeraraan isagoo aan hubaysneen,islamarkaana aanay jirin cid u soo gurmata ,hadii ugu badato dadka degaanka ayaa isbitaalada nugula orda si ay nafteena u badbaadiyaan !

 

silsiladan waa mid taxane soo ahayd mudo dheer ,mana ogin ilaa inta ay cadaalad daran sii jiri doonto,laakiin waxaa marag madoonta ah in kuwa na diliaya ay qasaareen akhiro iyo aduunba!

 

waxaan dhahnaa Meyd maxaa ugu dambeeyay, markaasaa la yiraahdaa Midkaas la sii waday 12ka agusta ee 2012ka waa maalin kale oo mugdiyadeena kamid ahaa waxaa siyaabo kala dowan maalinkaas loo dilay Alla ha u naxariiste suxfiyeen qaali nagu ahaa oo aan ilaabi doonin Yuusuf Cali Cismaan, Yuusuf Fareey ,iyo  Maxamed Cali Buneyste .

 

 

Soomaaliya ma ahan oo kaliya meel lagu dilyo wariyaasha soomaaliyeed,ee sidoo kale waxaa lagu dilay wariyaal ajanabi ah oo u yimid in ay soo bandhigaan marxaladaha dalkeena ka jiray ,qaybta kuwaad waa liiska wariyaasheena soomaaliya oo gacan ka xaqdan dishay sanado iyo taariikh kala dowan waxaan isku dayay in aan magacyadooda soo gudbiyo iyo waqtiyadii la dilay,waxaan ka cudur daaranaya hadii aan wax ka tagay .

 

Liiska wariyaasha soomaaliya ee la dilay:

 

1 Ahmed Addow Anshur, Shabelle Media Network

     May 24, 2012, ayaa muqdisho lagu dilay.

 

2 Farhan Jeemis Abdulle, Radio Daljir, Simba Radio

     May 2, 2012, waxaa lagu dilay kaalkacyo

 

3 Mahad Salad Adan, Shabelle Media Network

     April 5, 2012, ayaa baladweyne lagu dilay

 

4 Ali Ahmed Abdi, Radio Galkayo, Puntlandi

     March 4, 2012, waxaa lagu dilay Galkayo,

5 Abukar Hassan Mohamoud, Somaliweyn Radio

     February 28, 2012,waxaa lagu dilay muqdisho

 

6 Hassan Osman Abdi, Shabelle Media Network

     January 28, 2012, muqdisho ayaa lagu dilay  .

 

7 Abdisalan Sheikh Hassan, HCPTV

     December 18, 2011, waxaa lagu dilay Mogadishu.

 

8 Barkhat Awale, Hurma Radio

     August 24, 2010, waxaa lagu dilay magaalda muqdisho.

 

9 Sheikh Nur Mohamed Abkey, Radio Mogadishu

     May 4, 2010, waxaa lagu dilay Mogadishu,

 

10 Abdulkhafar Abdulkadir, freelance

     December 3, 2009, waxaa lagu dilay magalada muqdisho

 

11 Mohamed Amin, Radio Shabelle

     December 3, 2009, waxaa lagu dilay muqdisho

 

12 Hassan Zubeyr, Al-Arabiya

     December 3, 2009,  waxaa lagu dilay Mogadishu.

 

13 Mohamud Mohamed Yusuf, Radio IQK

     July 4, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho

 

14 Mukhtar Mohamed Hirabe, Radio Shabelle

     June 8, 2009, waxaa lagu dilay magaalada muqdisho

 

15 Nur Muse Hussein, Radio IQK

     May 26, 2009, waxaa lagu dilay magaalada baladweyne

 

16 Abdirisak Mohamed Warsame, Radio Shabelle

     May 22, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay

 

17 Said Tahlil Ahmed, HornAfrik

     February 2, 2009, muqdisho ayaa lagu dilay

 

18 Hassan Mayow Hassan, Radio Shabelle

     January 1, 2009, waxaa lagu dilay  Afgoye.

 

19 Nasteh Dahir Farah, BBC-somali

     June 7, 2008, waxaa lagu  Kismayo

.

20 Hassan Kafi Hared, Somali National News Agency

     January 28, 2008, waxaa lagu dilay Kismayo.

 

21 Bashiir Noor Gedi, Radio Shabelle

     October 19, 2007,ayaa muqdisho lagu dilay Mogadishu

 

22 Abdulkadir Mahad Moallim Kaskey, Radio Banadir

     August 24, 2007, waxaa lagu dilay  Bardera.

 

23 Mahad Ahmed Elmi, Capital Voice

   August 11, 2007,waxaa lagu dilay magaalada muqdisho

 

24 Ali Sharmarke, HornAfrik

   August 11, 2007, ayaa muqdisho lagu dilay

 

25 Ahmed Hassan Mahad, Radio Jowhar

     May 16, 2007, waxaa lagu dilay Jowhar.

 

26 Abshir Ali Gabre, Radio Jowhar

     May 16, 2007, waxaa lagu dilay  Jowhar.

 

27 Mohammed Abdullahi Khalif, Voice of Peace

     May 5, 2007, waxaa lagu dilay  Galkayo.

 

28 Duniya Muhyadin Nur, Capital Voice

     June 5, 2005,waxaa lagu dilay Afgoye..

 

29 Abdullahi Madkeer, DMC Radio

     January 24, 2003, waxaa lagu dilay  Baidoa.

 

30 Ahmed Kafi Awale, Radio of the Somali People

     January 26, 2000, waxaa lagu dilay muqdisho.

 

31 Abdullahi Omar Gedi, Radio Daljir

     August 31, 2010,waxaa lagu dilay Muqdisho

 

32 Ali Mohammed Omar, Radio Warsan

     February 16, 2007, waxaa lagu dilay  Baidoa.

 

33 Farah Hassan Sahal, Radio Simba

     August 4, 2011,waxaa lagu dilay muqdisho

 

34  Mahamud Ali Buneyste,freelance

    Agust 11,2012, waxaa lagu dilay Muqdisho

 

35 Yuusuf Cali Cismaan, Yuusuf Fareey , IFMS

Agust 11,2012, waxaa lagu dilay muqdisho.

 

Halkan waa liis kale oo murugo xambaarsan waa wariyaal gabdho iyo wiilal isgu jira oo ajanabi ah  oo dhul aan dhulkooda ahayn lagu dilay ,meelo soomaaliya kamid ah ayaa lagu dilay!

 

Liiska wariyaasha Ajanibiga ah ee soomaliya lagu dilay:

 

1  Noramfaizul Mohd, Bernama TV

     September 2, 2011, muqdisho ayaa lagu dilay

 

2 Jean-Claude Jumel, TF-1

    June 18, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho.

 

3 Hosea Maina, Reuters

     July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho

 

4 Dan Eldon, Reuters

     July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho

 

 

5 Ilaria Alpi, RAI-3 Television

     March 20, 1994, waxaa lagu dilay Muqdisho.

 

6 Miran Krovatin, RAI-3 Television

     March 20, 1994, waxaa lagu dilay muqdisho.

 

7 Anthony Macharia, Reuters

     July 12, 1993,waxaa lagu dilay muqdisho

 

8 Hansi Krauss, Associated Press

     July 12, 1993, waxaa lagu dilay muqdisho

 

9 Marcello Palmisano, RAI

     February 9, 1995, waxaa lagu dilay Muqdisho

 

10 Pierre Anceaux, freelance

     August 31, 1994, waxaa lagu dilay Baidoa.

 

11 Kate Peyton, BBC

     February 9, 2005, waxaa lagu dilay muqdisho

 

12 Martin Adler, freelance

     June 23, 2006, waxaa lagu dilay  Mogadishu.

 

 

Xalka Muxu Yahay?

 

Maamulada kataliya Goobaha lagu ugaarsanayo Warfidiyeenada Waxaa la gudboon inay gutaan waajibaadki umadu u xilsaaratay, ayna ka dhiidhiyaan Da’yarta shacabkooda u adeegaya ee xaqdarada lagu dilayo.

 

iskuna dayaan inay wax uun ka qabtaan Marxalada adag ee kuhaysata wariyaasha Goobaha ay kataliyaan oo aanay noqon kuwo maqaar saar ah.

 

Waxaa ceeb ugu filan in Wariyaashu ay ku nabadgaliwaayaan Goobaha ay sheegtaan inay maamulaan!! 

 

W/Q Wariye Maxamed Xaaji Xasan Abukar.

 

Email: Mhajji00@gmail.com.

          Maxamed555@hotmail.com

 

Celle+254 716 113 788

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)