Faah faahin ka soo baxeysa qarax beled xaawo ka dhacay
Beled Xaawo--KNN--Qarax gestay khasaaro oo ka dhacay degmada beled Xaawo ayaa waxaa ka soo baxaya faah faahin dheeraad ah khasaaraha ...
Wararka ka imaanaya magaalada Balad Xaawa ee Gobolka Gado ayaa Sheegaya in ay xalay uu ka dhacay qarax Miino oo ah nuuca Dhulka lagu duugo ee Rimuudka ka laga hago.
Qaraxaani ayaa lagu soo waramayaa in ay ku naf waayeen 3 ruux oo ahaa ragii dhulka ku aasayay, waxaana la sheegay in ay ku aasayeen wada yar oo ka leexata wadada weyn ee magaalada balad xaawo ee gobolka Gedo.
Qaraxaani ayaa waxaa warbixin ka siiyay Idaacadda KNN Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo Nuur Seylax waxuuna sheegay in ay ku nafwaayeen Qaraxa 3 Ruux oo ahaa kuwa maleegayay Qaraxa, waa sidoo u dhigay hadalka Gudoomiyaha,
Qaraxa ka dib ayaa waxaa magaalada balad xaawo ay ka sameeyeen Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Ahlusuna howlgalo Balaaran, iyadoo ayna dad ku soo qabqabteen.
Ma ahan markii ugu horeysay ay qasaaro kala kulmaan raga Miinada dhulka ku duuga, iyadoo la qiyaasayo in ay badanaa duugista miinooyinka dalka soomaaliya ay sameeyaan rag aan aqoon u laheyn
Jaylaani Xuseen Yuusuf


















Mogadishu Time








