Jadwalka Idaacada KNN oo wax laga badalay Maanta.
Muqdisho--KNN--Waxaa Maanta Idaacadda Kulmiye Jadwalkeeda laga baday Munaasabada Ciidda awgeed,iyadoo Maanta ay dadka magaalada Muqdisho loo balan qaaday in ay wax naxdinle aysan ka maqlin Iadaacadda Kulmiye.
Waxaa Maanta Idaacadda Kulmiye Jadwalkeeda laga baday Munaasabada Ciidda awgeed,iyadoo Maanta ay dadka magaalada Muqdisho loo balan qaaday in ay wax naxdinle aysan ka maqlin Iadaacadda Kulmiye.
Cismaan C/laahi Guure oo ah Agaasimaha Idaacadda kulmiye ayaa sheegay in aysan gebe ahaanba ay dadka muqdisho ka maqli doonin wax dhimasho iyo dhaawacba Qarax qasaare Geestay iyo wax la mid Ah laga sii deyn doonin Idaacadda looguna badali doono Dabaaldagyada Munaasabada Ciidda qababka ay u kala dhacayaan.
Sidoo kale Abwaan Guure ayaa sheegay in aysan Wararrka Siyaasada u badnaan doonin Idacadda oo ay waxyaabaha Muhiimka ah oo kaliya ay u sii deyn doonaan dadka ku dhaqan magaalada muqdisho.
Go’aankaani ay Gaareen Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Kulmiye ayaa waxaa uu u muuqdaa in ay dadka Muslimiinta ah kala qeyb qaadanayaan farxadda Munaasabada Ciidda iyadoo ay dadka Dhageystayaashooda ahna u diidayaan farxadooda in ay la daristo Naxdin.


















Mogadishu Time








