Sam ongeri"Qaraxyadii Hotel Jasiira waxaa ka dambeeyay Shariif Sh.Axmed


Muqdisho--KNN--Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya Sam Ongeri oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta.


 

 

 

Wasiirka arimaha Dibada Dowlada Kenya sam ongeri oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxyadii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Jaziira Magaalada Muqdisho kaas oo lagu doonayay in lagu qaarijiyo M/weynaha Jamhuuriyada Soomaali Prof Xasan Sheikh Maxamuud .

 

Waxaa uu sheegay wasiirku in uu Aaminsanyahay in Qaraxyadaas aysan ka dambeyn Al-Shabaab ee uu ka  dhashay loolan Dhanka awooda ah oo Musharixiinta qaar ka dhexeeyay isagoo si gaar ah ugu leexiyay Dhanka M/weynihii hore ee TFG Mudane Shariif Sheikh Axmed .

 

 

“intii uu  socday ololaha Musharixiinta oo aan la gaarin Xiligii Doorashada ayaa waxaa ila soo xiriiray Shariif Sheikh Axmed M/weynihii hore waxaa uu ila hadlayay Mudo 1.30 halsaac iyo bar ah waxaa uu igala hadlayay sidii ay dowlada Kenya ugu Taageeri lahayd in uu mar kale Xilka ku soo laabto lkn aniga waxaan u sheegay in aysan Kenya Taageero siineyn Musharax gaar ah ka dibna ma wanaagsaneyn Xiriirka M/weyne Shariif iyo Madaxda kenya waxaanse la yaabay Maalintii Qaraxu dhacay Markii aan arkay Shariif Axmed oo taagan Hotelka uu qaraxu ka dhacay isagoo aan naxsaneyn oo aanba uhaysan in Wax dhaceen sidaas darted waxaan dhihi karaan Shariif ayaa ku lug lahaa Qaraxyada”ayuu yiri wasiirka arimaha Dibada Kenya sam ongeri

 

sam ongeri ayaa waxaa uu Maalinka uu qaraxu dhacayay ku sugnaa Hotelka al jasiira ee ay qaraxyada ismiidaaminta ahi ka dhaceen isagoo kulan kula jiray M/weynaha Jamhuuriyada Soomaalia .

 

 

 

 

 


Community Comments
Ninkaan waa beenloow waxaana uu Madaxweyne Shariif ku haystaa oo uu beenta uga sheegayaa Nacaybkii uu u qaaday kadib markii uu diiday madaxweyne shariif soo galitaanka Kenya ee wadanka Somalia sidaas ayuu u eedaynayaa.midda kale madaxweyne shariif markii uu qaraxu dhacay kadib isla markiiba shariif ayaa Villa Somalia u qaaday hadii uu dhib wadana kama wadeen Hotelka sidaas ayey aniga ila tahay
Posted by Mukaram Kafi on 9/17/2012 7:27:48 AM
Dadweymu warkeyga isha si wcn ula raaca waxa jirta waxaad isku heysatan wax ka weyn ma ugtehin in ninka lagu magacabo faarax qare oo ah taliyaha bada somaliyed ow utagay sharif axmed waqtige ow jagada haayey misna ay taagneyd xasaradii bada somaliya waxna laga weydiyey generalka soohdinta bada ka dibna madaxweyna shariif amray kala fadhega baarlamanka kenya somaliya waxay ka damacsaneydna ay ku hungowday
Posted by Khluuda on 9/17/2012 9:03:21 AM
Dadweymu warkeyga isha si wcn ula raaca waxa jirta waxaad isku heysatan wax ka weyn ma ugtehin in ninka lagu magacabo faarax qare oo ah taliyaha bada somaliyed ow utagay sharif axmed waqtige ow jagada haayey misna ay taagneyd xasaradii bada somaliya waxna laga weydiyey generalka soohdinta bada ka dibna madaxweyna shariif amray kala fadhega baarlamanka kenya somaliya waxay ka damacsaneydna ay ku hungowday
Posted by Khaali3 on 9/17/2012 9:07:16 AM
589870
Posted by Geedi46 on 9/17/2012 9:12:39 AM
haaa shariif ayaa ka danbayey waayo shariif xaalku waa ku xunyahay hada meel uu aado mahaysto
Posted by wiil garoowe on 9/17/2012 4:17:22 PM
Is top been layin
Posted by shussusau on 9/17/2012 10:18:22 PM
ascwalaalayaal in aan ku muruno hadal ow sheegyay nin dalka iyo dadka cadow ku ah waa wasiirka keenyee dana gaar ahaane ka leh somaliye kuna hungoobay in uu gaaro sdanahiisa xiligii madaxweyne shariif madaxweyne xasan sh maxamudne sidoo kale ku hungoobay rabne in uu somaliya oo dhabahii hor marka iyo nabada cagaha saartay in uu carqaladeeyo maahan hadaan somali nahay in aan waqti iskaga qaadno falanqeeynta hadalkiisa ee aan ku mashquulno falanqeeynanae sidoo wadan keeyna hor marka uu gaaray aan gacan uga geeysa laheeyn
Posted by mustaf on 9/18/2012 2:17:48 AM
ascww,waa been ay ula jeedaan in somali iney dib isugu mashquush , shariifka shaqo kuma lah qaraxa raggii sameyey ayaa qirtay.hase ahaate shariifka isagaa marki horeba kenya u oglaaday in laga wadda hadalo arinta badda,hase ahaate barlamaanka ayaa diiday
Posted by abdislaan barkaan on 9/18/2012 2:20:56 AM
ma u maleynayo in shariifka ka dambeyay waaayo waxaa daliil ah sida shatafta leh uu xilka ku wareyjiyay taas ayaa somaliyeey tusaalo iidinku filan kenya waxeyda waa xanaaq iyo sidii itoobiyo camal somali aniga wax u yeyrinaayo sidii wrihii hore oo itoobiya camal hada markuu dhintay waa kenya xaalda laakiin ilaah waxan ku mahdinayaa somali in ey is badashay no more dagaal dambe cadowka cagta soosteeda inshaal allaah
Posted by axmed nuure on 9/18/2012 3:32:27 AM
anIgu waxaan hubaa InhawIye daarood sIyaasada karaayey.khaasaatan majerteen oon walIgII darka siyaasada kadul dhaqaaqin.guul
Posted by jaguug on 9/19/2012 6:16:54 AM
WAA RUNTIIS QARAX SHEEKH SHARIIF AYAA GEYSTAY ... WAAYO SHEIKH SHARIIF MARKAAD FIIRISO WEJIGIISA WAXUU U EGYAHAY NIN KA CAROODAY IN LAGA BADIYAY ... QARAXA SHEIKH SHARIIF AYAA KA DANBEEYAY TAASI WAA RUN ...
Posted by Mursal on 9/17/2012 4:10:57 PM
Sharif waa wadani dhab ah, kenya danaheda ayey wayday, ninku waaa xanaqsanyahay
Posted by shafici on 9/17/2012 4:56:57 PM
Runtii waa wax laka xumado hadey kenya danahey ka laheyd ka wayso ex madax weyne sharifka ma waxay bilawday in ay isku dirto dad walaalo ah never we are togther somali ha nolaato dadka aminsan waxay kenya sheegtay dan ukuma jirto ee somaliya somali baa leh hadey gumeysi raac yahiin gumasi raac baa leh
Posted by Wadani on 9/17/2012 10:00:41 PM
waxan isleyahy in aay dhicikarto in shiikhu ka danbeyey ismidabintii hoteel jazzira ka dhacdey,sida laga warqabo sharifku waxuu jacla in uu xukunka sihaysto,waxuna iska dhigayey qof kaxun oo qiiq ayu isku qarinayey,marka uu so boqday mesha dhibku ka dhacayey,waxuna islaha so ogow in aay dhinten iyo in khiyamadii ufushay iyo in kale,waxana hayey jalis ween ama masar,hada kohor W/wasaraha ayuu mishinkan oo kale udhigay golaha tiyatrka,cidkula xisabtantay majirin,oo hadeed lama canante ayaa canihi dadshey,sida laga warqabo wadaku waxuu katirsan yahay qolada somaliya kadagi ladaha waa alshababe,waxii laqarxiyo iyaga aya iska shegta.
Posted by maxmed on 9/18/2012 5:53:56 AM
waa xaqiiq inuu ka danbeeyay shariifka haduusan ka danbeen maxaa keenay meesha qaraxa ka dhacay?suaasha labaad markii doorashada looga adklaaday waad arkeeseen dhididkii iyo foolxumadii ka muuqatay ? tansadaxaad shariifka baarlmaanka iyo soomaaliba waxey ku naceen siyaasad xumada halkaas dhigtay shariif sakiina uqayilay marka soomaaliyeey hadalka ka soo yeeray wasiirka keenya waa mid sax ah shariifna isagaa qirtay oo yiri maalintiina dowladaan ahay habeenkiina alshabaab ha ka saarto marka hadalkuu yiri
Posted by caafi on 9/18/2012 5:25:42 PM
GEEDI iyo DADIR JACEYLOW cuqdad ayaa idin heyso ee somali nimo u hadla xabashada sanka weyn yeysan idinka aqli badin doqon adinkoo kale ah hadii la waayo somalia waa israaceysaa kenyana musiibo alle haku rido
Posted by aweys on 9/17/2012 3:54:15 PM
WALAALAYAAL HORTA SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH, SH-SHARIIF WAXAASI KAMA SUURTOOBAAN, CAADIFADA ISKA ILLAAWA; NINKAAS MAGACA GAROOWE WATA IYO KUWA KALE EE LA MIDKA AHOW WAANTOOBA OO DACIIFNIMADA JOOJIYA, QAASATAN NINKAAS BAL EEGA MAGAC MAGAALO SOMALIYED BAA WADATAA, SHARIIF WAA SOO HALGAMAY ETHIOPIA AYU WADANKA KA SAARAY, KENYA AYUU BADA U DIIDAY, WAXAANA LAGU QASBAY CAWAANKA ISKA CIYAY EE EY DIBADEED-KA KENYA IN AY CIIDAMADIISU KA MID NOQDAAN DALADA AMISOM MICNEHEDUNA YAHAY THAT THEY WILL HAVE MANDATE,CALAA AYI XAAL SH-SHARIIF MADAX WEYNE SHARAF KU YIMID SHARAFNA KU DHIIBAY XILKA.OGAADA GUUSHA QOF SOMALI AHI WAA GUUSHEENA DHAMAANTEEN, ADOONKA NA KALA QAADQAADAYA WAXAAN KU LEENAHAY; WAAN ISKALA KAAWEYNAHAY, QURAAFAADNA NOOMA DHOODHOOBI KARTID.
Posted by MUSA on 9/17/2012 5:03:22 PM
Asalaamu caleeykum dhamaantiin yaan lagu dambaabin shariif qof og oo marqaati ah lamahaayo weli, markaa hadaad oska maleeysiin in uu sharoof kadanbeeyo waad aaqiro seegaysiin ,Illaahay ayaa og qofka uu yahay illaahay ayaana ka gooynaaya danbigaas uu galay, mida labaad shariif wadani ma aha ee garabeeshinka iska dhaafa, shariif haduu wadani yahay maxuu madaxweeynihii c/llahi yuusuf alaha unaxariistee ooga daba raa racay oo dowladii u shaqayn wayday, asaga ayaa mas uul ka ah dagaaladaan daba dheeraaday ilaa iyo 2004 kii,wuxuuna ku mar mar sooday Etoopiya ayaan ladagaaleeyna oo uu dhalinyaradii ku dhameeyay, markii uu asaga madax weeyne noqdayna ,meeshii ugu horeeysay ii uutagay eed umaleeyso in aay waajibku ahayd waxay aheed Etoobiya,wuxuuna lahaa Etoobiya waa walaalaheen, shalay waxay ahaayeen cadow maanta oo asagii uu madax weeyne noqday waxay noqdeen walaalo shariifka maha wadani ee waadanayste u halgamaayay in uu mar uun uu arko Abgaal oo hurdada ka kaco oo ay madaxweeyne noqdaan,iyo in uu boorsooyin doolar ah ka sii jiido.
Posted by Xiimaay on 9/18/2012 9:55:32 AM
Asc kenya waxay ku fashilantay in ay ku shaqeysato sh shariif sh axmed hamigi bada marku ka horjoogsayay ayay xagxaganayan marka waxaan lenahay malo waxba laguma ee deye maqaraxiibaa jahwareeriyay malaha oo dhimashaa ka soo agdhawaatay caradiisa haladhintee by
Posted by Aalasheekh on 9/17/2012 5:54:03 PM
Waxaa ayana layaab ah ayadoo laga dharagsanyahay darenka dowlada kenya ee ku adan horumarka somalia in qof comments qoraya uu qaad qaado kalimaadka ducfigu ka muqdo wana xaqiiq inan ruux careysani is xakameyn karin inta badan
Posted by Cajiib on 9/18/2012 3:27:28 AM
Aniga waxa an misanahay qaraxe ismedaminta aha ow ka dhacay haserada ow lowla dan laha madaxwenaha cusub ow somalia in u ku lug laha madaxwenihi hore hadana xilka laga tiriyaya sharef sheq axmad aya ka dameyay amba wa ku lug laha
Posted by Dadir.jaceylow on 9/17/2012 8:34:42 AM
Waa qaa in wasiirka waayo madhicikarto shariif waa nin karti muujiyay mana qarxin madax weyn xasan shìiq warka kenya waa siyaasad qalafsan sideey ila tahay
Posted by Yuusuf on 9/17/2012 4:47:11 PM
WAXAA MEESHA KU JIRA DANO FOG OO LARABO INAAN SOMALIAYA KA BIXINKU MEELGAAR KEENYA 1 SANO AYEE SHABAAB KA QABSA LA,DAHAY KISMAAYOOO DANA BADAN KA XIRAN MANA KU FAR XAYSO KU MEEL GAAR LAGA BAXO WAXAA BAA BAYA XAFIISKA UN EE KU YAALO KENYA IYO LACAGAHA LAGU CUNOHALKAAS KENYA WAXAY RAADINAYSAA IN SOOMALIYA DAGAAL SOKEEYA KA DILAACO MARKA WADA KASTAANA WAY MARAYSAA.....
Posted by xog ogaal on 9/17/2012 4:48:08 PM
Waxaan soo dhoweeynayaa Iilana muuqata Fekerka ah in uu Madaxweynihii hore ee TFG du kadan beeyey Qaraxii Jazeera Hotel, Tusaale waxaan I weydiineeynaa Muxuu kayiri madashii dhaarinta Madaxweynaha Federaalka!!wuxuu yiri Uma mahadcelin Xildhibaanada sabab too ah weey ogyihiin waxa igu kalifay.Tankale maxaa looqarxin waayey Sharif Axmed intii uu xilksa hayey???
Posted by Osman on 9/17/2012 6:57:48 AM
wax kastaa waa suura gal marke yaan la dhayalsan hadalka Gaalka ka soo yeeray
Posted by mohamud on 9/18/2012 5:33:35 AM
Waxakadabeeyay sharing way kid cabdiwaliba lagudilgadahy saga kadanbeyay
Posted by Dayib on 9/18/2012 5:33:58 PM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)