Maxaa kala qabsaday Radio Kulmiye iyo R.muqdisho?


Muqdisho--KNN--Kulan ciyaareed aad u xiisa badan ayaa galabta Garoonka kubadda cagta ee Waamo Degmada B/dheere waxaa


Kulan ciyaareed aad u xiisa badan ayaa galabta Garoonka kubadda cagta ee “Waamo” Degmada B/dheere waxaa uu ku dhex maray wariyayaasha labada Idaacadood ee Radio Kulmiye iyo Kuwa Radio Muqdisho.



Ciyaarta oo ku bilaabatay dardar xoog leh oo labada kooxood ay ku soo galeen qaab weerar iyo weerar celis ah ayaa waxaa Radio Muqdisho u suura gashay in ay qeybtii hore ee ciyaarta heleen goolka kaliya ee ay uga awood roonaadeen kooxda wariyayaasha Idaacadda Kulmiyekaa oo uu dhaliyey wariye Xabiib oo kulanka si weyn uga dhex muuqday.



Waxa ay aheyd ciyaar aad u adag isla markaana labada naadi ay soo bandhigeen ciyaar ay ku qanceen dadkii u  soo daawasha tegay kulankaa waxaana Wariyeyaasha Radio Kulmiye ay isku dayayeen in ay soo bar bareeyaan waxana uu u muuqday goolkaasi mid ay iska soo barbareyn kareen hase ahaatee dadaal badan oo ay sameeyeen ciyaartoyda uu ka midyahay Qeys kabtankii kulankaa ee Idaacadda Kulmiye ayaaney usuura gelin in ay iska soo jaraan goolka lagu lahaa waxana ay ciyaartaasi kusoo idlaatay 1-0 oo guushu ku raacday Radio Muqdisho.



Kulankani waxaa uu qeyb ka ahaa kulamo dhinaca is dhex  galka Idaacadaha ah oo ka soconayay modooyinkan dambe magaalada Muqdisho waxana ay ku soo aadeysaa guul darada kooxda Radio Kulmiye xilli kulankoodii kan ka horeeyay ay ciyaaraan ay goolal gaaraya 4-1 uga awood roonaadeen wariyayaasha Goolfm taa oo guushu ku raacday KNN kulanka ka dhacay malintii labaad ee Ciida isla Garoonka kubadda cagta ee “Waamo”


Community Comments
salan sare waxaan halkaan kasalaamaa radio kulmiyi damaa
Posted by on 11/24/2012 12:55:40 PM
salaan sare bahda radio knn guul wacan in shaa allaah
Posted by c.llaahi aadan maxamed on 4/25/2013 3:29:18 AM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)