Maxaad ku xasuusataa 4 october 2011kii?{Akhriso}


Muqdisho--KNN--Qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay soomaalida dhegaha un kamaqli jireen kana daawanjireen shaashaadaha


 

 

 

 

 

Qaraxyada ismiidaaminta ah oo ay soomaalida dhegaha un kamaqli jireen kana daawanjireen shaashaadaha iyagoo kadhacaya dalal ay kamid ahaayeen ciraaq falastiin iyo afgaanistaan ayaa soomaaliya gudeheeda ay lakowsadeen inay ka dhacaan bartamihii sanadii 2006 oo ay ku beegneyd soo ifbixii alshabaab .

 

 

Weerarada noocaasi ah ayaa tira dhaafay inta laxasuusto iyagoo baltilmaameedyo u kala ahaa xarumo dowlad saldhagyo ciidan iyo meelo aan intaba shaqo ku lahayn oo kamadax banaan sida hoteelo maqaayado iyo meelo lamid ah.

 

 

Maanta oo kale halsano kahor waxa dhacay qarax ladhihi karo waxa uu kamid ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soomaaliya soo mara inta uu maanka xusi karo.

 

bishaar claahi nuur oo ahaa dagaalyahan shabaab katirsanaa ayaa isgoo saraakiil aan is shaacin oo shabaab katirsanaa ay taleefoon ku hagayaan kaxeynayana gaari uu noociisu yahay ud oo walxa qarxa laga soo buuxiyay waxa uu labeegsaday xarunta hargaha iyo saamaha oo ay deganaayeen wazaarado badan waa meel ku taala wado zaxmad badan oo aanay gaadiidka iyo dadkaba marna kafaaruqin waxana intaasi dheer in maalmahaasi madasha ay ku mashquulsaneyd qaadista imtixaanaadka iyo siinta natiijooyinka arday baadi goob ugu jirtay hellida yabooh waxbarasho oo laga helay dalka turkiga.

 

 

Saacadu waxa ay ku beegneyd 11barqa nimo iyo dhowr daqiiqado waxa goobta kadhacay waxii dhaci lahaa natiijadii lafilayay midaan ahayn ayaa soo baxday waxa meesha ku dhintay  dad lagu qiyaasayo ku 90 ruux waxayna isgu jireen oo ay u badnaayeen arday kakala timid gobolo kala duwan iyo dalka dibadiisa waalidiin shacab wadada marayay iyo askar dhawaaca ayaa ku dhawaa 200 oo ruux dhaawacyaduse kala darane qaraxaasi ayaa qaraxyadi hore uga duwanaa in dadka dhintay meydadkooda ay hilbohooda isku darsameen oo si qiyaas ah loo aruuriyay kuwii ku dhaawacmayna dhamaantooda waxa lawaayay meel laqabto si loogu gurmado waayo waxa kawada gubtay maqaarkii oo hilbo guduudan ayay ahaayeen.

 

gabar uu eebe ku maneynstay inay kabadbaado mashaqadaasi ayaa kawarameysa waxii ay maalintaa aragtay

 

“waxaan arkayay Gaariga oo si xoog ah ku soo galaya Gudaha Xarunta oo Xoog uga soo leesday wadada Runtii waxii Dhacay ma qiyaasi karo “ayay tiri iyadoo shooksan.

 

 

dad la aa eheladooda oo markii ugu danbeysay meesha ay dhibaatada kadhacday ku sugnaa oo goordanbana baadi goob kadib kahelay cusbitaalada ayaa maalintaa dareenkooda iiga waramay.

 

waxii dhacay kadib dadka markiiba maanka waxa ay kuwada haayeen cida leh masuuliyadiisa oo ay iska cadeyd laakiin alshabaab sheegashadiisa maa any kadaahib dibna u dhigin oo saacado kadib afahyeenka xarakada alshabaab ayaa sidaan yiri

 

 

canbaareynta qaraxaasi iyo waxyeeladiisu looma kala harin waxayse arini ku soo koobantay side wax loogu qabtaa kuwa ay nafti ku daba yartahay ee cusbitaalada yaala qaarbaa loo daabulay cusbitaalo ku yaala Kenya gargaarka ugu mudense waxuu kayimid turkiga oo dadkii ugu darnaa u daabushay dalkeeda waxii daweysmi lahaana lagu soo daweeyay waxase layaab leh in dad turkiga u aadi lahaa deeq waxbarasho in loo qaaday gurmad caafimaad halkaa jaamacado laga geyn lahaana lageeyay xarumo caafimaad.

dunida inteeda kalana waxay soo maaliya ku kaalmeysay canbaareyn iyo u caga juleynta alshabaab.

 

 

Madaxweyhii hore ee dowladii kumeelgaarka soomaaliya Shariif sheeq axmed oo xiligaa hogaanka hayay ayaa waxa uu ku tilmaamay dhacdo muujineysa gunaanadkii jiritaanka alshabaab

 

Qaraxaasi oo aan weli kagoin maanka bulshada soomaaliyeed ayaa hadana waxa kadanbeeyay dhacdooyin lamid ahaa oo yareyay xusuusteeda sida qarixii 4 abril ee sanadkan kadhacay tiyaatarka qaranka qaraxkale oo mar labaad lala eegtay goob lagu shaaho agagaarka hotel muna iyo qaraxii kale ee 20ka bishii lasoo dhaafay kadhacay baarka hooyooyinka oo isna lagu hoobtay.

 

laakiin si waliba oo ay arinu noqoto waa dhacdo xusuus mudan murugo mudan maankana  aan ka goi doonin .

 

W/Q. Yuusuf  Axmed  Abuukar {Keynaan } +252615-984341  +252699-984341 Email keynaan012@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments
ugu horeen waxaan salaamaya dhamaan maamulka iyo shaqaalaha idaacada kulmiye waxaan si naxariis ah ugu codsanayaa maamulka radio kulmiye waxaan ahay arday somaliyeed waxaan bartay madaadad saxaafada marka waxaan doonayaa inaa ka mid noqdo shqaalaha idaacada kulmiye news net work waan filayaa inaad iga aqbali doontaan in sha`alaah mahadsanadiin
Posted by muxudiin cali maxamuud on 10/18/2012 5:41:53 AM
Asc dhaman shaqalaha idacada kulmiye waa dhegestaha radiyowaga waxa an dhihi laha qaraxas mid naxtin laha waxa tacsi diranyo leh u diriya dhaman eheladi iyo qarabadi uga geriyoday waxa an dhihi laha ? ?? ??? ? ? ?? ? ??? ? ? ??? ?
Posted by C.qani maxamud jayte on 4/5/2013 7:09:26 AM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)