Dabaaldagyada Musharixiinta madaxtinimada Kenya ay kalsoonida ku raadsanayaan oo Caawa ku eg


Nairobi--KNN--Dad farabadan oo wata dhar ay ku sawiran yihiin dhamaan musharixiinta 8-da ah eek u baratamaya xilka madaxtinimo


 

 

 

 

Dad farabadan oo wata dhar ay ku sawiran yihiin dhamaan musharixiinta 8-da ah eek u baratamaya xilka madaxtinimo ee dalka Kenya ayaa isusoobaxyo iyo munaasabado loogu dabaaldagayo doorashadaii ugu horeysay ee ansixinta dastuurka kadib ka dhacda Kenya waxa ay ka muuqanayeen warbaahinada leyska arko ee aduunka oo maalmahan arinta dalkaas sigaar ah ugu weecdeen.

 

Labada Musharax ee ugu cad cad ama la qiyaasayo inay doorashada kusoo baxaan oo kala ah Raila Odinga R.wasaaraha wadanka iyo Uhuura Kenyaata kuwaas oo aabayashood ay M/weyne soo noqdeen ayaa Music astaan u ah iyo hadalo soo jiidasho leh jeediyay iyagoona xaflado ay kalsooni ay uga raadsanayaan shacabka reer Kenya maanta ku qabsday magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

 

Caawa ayaa ah waqtiga ugu dambeya ee Musharaxiinta loo ogolyahay inay dhigtaan xafladaha ay isaga gadayaan dadka Kenya u dhashay si ay ugu codeeyaan.

 

dadka Caasimada ku nool ayaa bilaabay inay aadaan magaalooyinka ay kasoo jeedaan oo codkooda ka bixinayaan iyadoona maalinta bari ah oo shacabka ay nasanayaan kadib Isniinta ay u dareerayaan goobaha codadka laga dhiibanayo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)