Maxaad ka taqaanaa taariikhda Osama Bin-Laden


Muqdisho-KNN-Magaciisa oo buuxa waa Osama bin Maxed bin Cawad bin Laden waxa uu 10 March sanadkii 1957 ku dhashay magaalada Riyadh ee caasimada wadanka Sacuudiga.


 

Aabihiis Max’ed bin Cawaad bin Laden waxaa uu ahaa hantiile maal qabeen ah oo saaxiib hoose la ah boqortooyada Sacuudiga hooyadiis waxaa lagu magacaabaa Xamida Al-Cattaaz waxaana ay aheyd xaaska 10 aad o aabihiis guursado waxaa la dhashay 5 caruur ah oo 4 ka mid ah ay ku hooyo yihiin halka kan kale ku aabe yahay hase ahaatee waxaa uu ahaa qofka 50 aad ee uu abihiis dhalay.

 

 

 

Taariikhdu waxay sheegtay in Osama hooyadiis iyo aabihiis waxay kala tageen markii uu dhashay waxaana uu ku koray guriga hooyadiis.

 

 

Waxaa uu wax ku so bartay dugsi quraan ku yaala magaalada Riyadh oo lagu magacaabo Al-Takhriir halkaasoo la sheegay inuu wax barashadiisa ku soo qaatay.

 

 

 

Intii u dhaxeysay sanadihii 1968 illaa iyo 1976 waxaa uu wax barashaddiisa  ku soo qaatay dugsiyada aas aasiga ah Riyadh kadibna waxa la sheegay inuu ka qalin jabiyay jaamacadda dhaqaalaha iyo maamulka iyo mareynta ee boqor C/caziiz o magaalada Riyadh ku taala kadibna waxaa uu shahaadada Digreega ka qaatay Jaamacadda Injineerinka ee Riyadh.

 

 

 

Warbixinada laga qoray Taariikhda Osdama Bin Laden ayaa heegaysa inuu si weyn u daneyn jiray barashadda diinta Islamka waxaa uu hamin jiray in Shareecadda Islamka lagu maamulo wadamada dunida Muslimka.

 

 

Sanadkii 1967 Osama aabihiis Max’ed bin Cawaad ayaa ku shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Sacuudiga kadib markii duuliyihii diyaaradii siday uu si qaldan ugu dajiyay garoonka diyaaradaha Riyadh sanadkii 1988,kiina Walaalkiis ka weyn oo Aabihiis dhalay laguna magacaabi jiray Saleem Bin Laden isla markaana ahaa m/mulaha shirkadda Bin Laden ayaa asna ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka diyaaradaha San Antonio ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka

 

 

 

Osama Bin Laden waxaa uu xaaskiisa ugu horeysay guursaday asagoo 17 sano jir ah waxaana lagu magacaaba Najwa Qaniim  hase ahaate Tv,ga CNN,ka ee xaruntiisu tahay dalka Maraykanka ayaa sanadkii 2002 asagoo soo xiganaya saraakiil sirdoonka Maraykanka ka tirsan waxaa uu sheegay inuu guursaday 4 xaas waxaa uu dhalay 25-26 caruur ah halka warar kale ay sheegayaan in caruurta uu dhalay ay gaarayaan 12 illaa iyo 24.

 

 

 

 

 

Sanadkii 1979 xilligaasoo Midawgii Sofiyeed uu ku duulay wadanka Afghanistan ayuu asna u dhaqaaqay wadankaas waxaana uu halkaasi ka aas aasay ururka la yiraahdo Al-Qacida wararka qaarna waxay sheegaan in xilligaas uu taageero ka helayay wadamadii siday weyn uga soo horjeeday Midawga Sofiyeed oo Maraykanku ugu horeeyo.

 

 

 

Xilligaas Osama waxaa xero ka aas  aasay magaalada Pishawar ee dalka Pakistan dagaalyahano Carbeed  ayaana xilligaas tagay magaaladaas kuwaasoo isku diyaarinayay inay dagaal la galayaan Midawgii Sofiyeed.

 

 

 

Tariikhyanada qaar ayaa sheega in ururka Al-Qacida si rasmi ah loo aas aasay sanadkii 1988   waxaana la sheegaa in sanadkaas uu ku dhaawacmay dagaal uu ciidamada Soofiyeedka la galay.

 

 

 

Intii ay Al-Qacida aas aasantahay waxay saameyn ku yeelatay wadamo badan oo dunida Muslimka ah waxaana uu ururkaan si weyn u soo shaac baxay 11 September sanadkii 2001,da xilligaasoo dhulka la dhigay daarihii ganacsiga ee New York iyadoona isla maalintaas weerar lagu qaaday xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee Washington

 

 

 

xilligaas wixii ka dambeyayna waxaa bilawday dagaal u dhaxeeya Al-Qacida iyo reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka tan iyo wixii xilligaas ka dambeyayna Maraykanku si weyn ayuu u doon doonayay oo malaayiin Dollar ay madaxiisa dul dhigay.

 

 

 

Waxaa lagu eedeeyaa ururka Al-Qacida inuu mas’uul ka ahaa weeraro lagu qaaday safaarado Maraykanku ku lahaa wadamada Tanzania iyo Kenya sanadkii 1998 waxaana Al-Qacida la sheegaa inay si weyn waqtigaan ugu lug leedahay dagaalada Soomaaliya ka jira maadaama ay lagu xagliyo inay Xarakadda Al-Shabab taageeraan.

 

 

 

Hogaanka Al-Qacida oo Bin Laden ka mid yahay ayaa dhawr  jeer soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya waxayna inta ku baaqayeen in la xoojiyo dagaalka Soomaaliya ka socda.

  

 

 

Ugu dambeyntiina aqalka Cad ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inay ugu dambeyn soo afjareen hawlihii Al-Qacida iyo Osama Bin Laden oo ay dileen kadib markii loogu tagay guri ku yaala meel 60 km u jirta caasimada Pakistan ee Islama-bad.

 

 

 

info@kulmiyenews.com

 

 

 

 

 

 


Community Comments
inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun waaba hadii uu dhintay sheekh usaama bin cawad bin laaden dhanka kale waxaan aad u jeclaa in si qoto dheer loo xaqiijiyo waayo gaalada waa dhagar badan yihiin kamana daalayaan in aay muslimiinta dhagraan
Posted by maxamed deeq fiyoore on 5/3/2011 4:43:00 AM
asc dhamaan umada musliita ah usaama waa dhintay laakiin aniga ma.aqaan waxa aw ahaa lakiin dad badan oo muslin ah ayaa dhibaateeyay maxiisa
Posted by alfa alfa on 5/2/2011 7:42:46 AM
I dnt blv de false/hate speech of de fucking preso obma .may be stil live almujhd osama bt anway.hadi ay run noqoto geeridu waa xaq qofka caqliga leh wuw daremi kara cadawada gaaladu u heyso musliminta taasina waxey cadeyn u tahay xaqa uu ku adkeystay waxanu lenahay shahaadadisa rapi haka aqbalo ilaahow musliminta quwadooda adkey
Posted by M. c/lh gure on 5/3/2011 10:02:20 AM
Ilahey hau naxaristo
Posted by Mr mocow on 4/20/2013 5:46:48 PM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)