TUUG DHAGOOL AH!
Muqdisho-KNN- Qaladaadka Taariikhiga ah ee wadaadada Soomaaliya Qalinka Abukar Albadri
Haddana waxaan aad ugu wareeray, saluugay, kana niyad jabay sida ay xaaladda u wajahaan wadaadada Soomaaliyeed xil doonka ah. Iyo sida ay ugu qanacsan yihiin qaladaadka dhiig iyo dhaqaaleba leh ee ay ka galayaan shacabka. Wadaadadu waa kuwa loogu han weynaa inay nidaam dowladeed diinta ku qotoma ka hirgeliyaan dalka iyagoo taas aan u marin dhiigga shacabka, ama ugu yeraan qalad mooyee aan qumaati ugu xadgudbin. Guul darrooyin aan dadku wada fahmi karin ayaa taariikhda u galay wadaadada, kuwaas oo ay sabab u ahaayeen qaladaad ay iyagu galeen. Laakiin haddii iyaga la weydiiyo waxay durba dhihi lahaayeen "cadowga nagu soo dulay ayaa sabab u ah, iyagoo hadba kuwa markaas taagan farta ku taagaya". Waxaa hubanti ah in ay wadaadadu galeen, hadda galayaan, siina galidoonaa qaladaad taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed ee Musliminta ah iyo dunida Islaamkaba ka maajiyey kuwaas oo aysan sixin haddii aysan hadda kaddib sixi doonin. Qoraalka waxaan ku lafo gurayaa qeyb ka mid ah qaladaadkii ugu waaweynaa ee ay wadaadadu galeen. Waa qeyb aan ka soo dheegay qoraal aan ugu talo galay inaan buug ka soo saaro mustaqbalka. Ujeedkeygu waa in ay dadku fahmaan jahwareerka heysta wadaadada Soomaaliyeed ee xukun doonka ah, si ay iyaguna isu dheehdaan qudhooda. Bartamihii siddeetamaadkii, xilli uu dalka ka talinayey Maamulkii miletariga ee uu hogaaminayey Gen. Maxamed Siyaad Barre, ayuu Muqdisho ka dhacay shir qarsoodi ahaa oo ay yeesheen xubno ka tirsanaa madaxddii ururkii Al-Itixaad ee guuldarrada ku habsatay. Shirkaas wuxuu lafa gur u ahaa qodobo ka soo baxay shir kale oo dalka Sucuudiga ku dhex maray koox wadaado ah oo u badnaa Al-Itixaad iyo aqoon yahano markaas dhiganayey jaamacadaha dalkaasi. Lafo gur kaddib waxaa shirka lagu dejiyey istaraatiijiyad militari oo lagula dagaalamo dowladdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Ujeedkuna wuxuu ahaa in xukunka laga tuuro taliskaasi kaddibna dalka laga sameeyo kacaan Islaami ah oo ay hormuud u yihiin Sunniyiin-salafiyiin-wahaabiyiin ah, waa Al-Itixaade. Shirkaas Muqdisho ka dhacay waxaa lagu gorfeeyey qorshe ku aadan sida loo ridi karay dowladdii Jaalle Siyaad. Waxaana laga fikiray goobta ku haboon ee ciidanka la diyaarinayo uu saldhigan karay, sida laga yeelayo xiriirka caalamka gaar ahaanna kan dunida carabta iyo tan reer galbeedka iyo goorta dagaalka la bilaabayo. Durba waxaa sahan loo diray dhanka gobalka Bari ee Soomaaliya iyo gobalka Sanaag, halkaas oo Laasqoray iyo Boosaaso ugu muhiimsanaayeen bartilmaameedyada la soo sahminayey. Sahanku wuxuu cagta soo marsiiyey buuraleyda Golis ee ku teedsan gobaladda Bari ilaa Sanaag degmooyinka la halmaala, si uu u soo eego dhul biyoodka lagu sii tashan karo iyo buuraleyda gabaadka leh. Arrimaha lagu xushay buulareyda Golis iyo gobaladaasi waxaa saldhig u ahaa seddax qodob. 1. Goobtu waa dhul biyood roob iyo jiilaalba biyo leh oo waraab laga heli karo, waana buuraley lagu dhuuman karo oo laga dhex jabhadeyn karo. 2. Laasqoray oo aheyd goobta saldhiga ugu weyn laga doonayey waa magaalo xeeb leh oo masaafo yarna u jirta gacanka cadmeed, haddii loo baahdo in laga soo dejiyo muslimiin jihaad doon ah ama saanad miletari. 3. Dadka deegaanka waxay ahaayeen mucaarad ku kacsanaa maamulkii Maxamed Siyaad waxayna ka tabanayeen cadaalad darro. Istaraatiijiyadda Biyaha iyo Baadka, Buuraha gabaadka leh, iyo u dhowaanshaha khaliijka carbeed kuma sineyn muhiimadda meeshaasi loo abaaray. Itixaad waxay kaloo doonayeen in ay dadka deegaanka uga faa’iideystaan askar ahaan maadaama ay ahaayeen dad gadoodsan oo si sahlan loo fahamasiin karay inay dagaalamaan. Qorshahaasi wuxuu u ekaa mid caqli iyo cilmiba ku dhisnaa ciddii doontaba ha dejisee, wuxuuna ahaa qorshe laga baaraan degay. Inkastoo Al-Itixaad qorshe dagaal dejiyey, haddana kama aysan sii fikirin inay isbedello dhici karaan oo xaalku si kale noqon karayo. Lama hayo wax raad ah oo muujinaya inuu jiray qorshe barbar socday dagaalka oo loogu talo galay in la adeegsado haddii uu is bedel lama filaan ahi yimaado. Taasi waxay aheyd qaladka koowaad ee ay galeen. Si lama filaan ah oo aysan Al-Itixaad iyo cid kale toona ka sii baaraan degin ayey u dhaceen seddax is bedel oo muhiim ah. 1. Dowladdii ay qorsheysteen inay la dagaalamaan way dhacday, dalkii maamul la’aan ayuu noqday. Waxaana riday jabhado. 2. Is bedel weyn ayaa dunida ka dhacay. Dagaalkii qaboobaa ayaa dhamaaday oo reer galbeedka ayaa reer barigii uu Soofiyeetka ugu tun weynaa ka adkaaday. Waxaana bilowday dagaal fikir ku dhisan oo ku wajahan Islaamka. 3. Midda seddaxaad: dadkii deegaanka ee maamulkii dumay ka tabanayey cadaalad darrada, ee looga faa’iideysan lahaa fursadaasi way dhamaatay. Deegaankoodiina wuxuu isu bedelay dhul ay beeli leedahay oo aayo ka talintiisa ay beeshu ka go’do. Jabhadaha maamulka riday kuma aysan jirin Al-Itixaad. Wax gacan ahna kuma aysan laheyn. Waxaa riday jabhado kala ahaa USC, SNM iyo SPM. Jabhaduhu waxay ahaayeen kuwo iskood xil doon u ah oo aan wax xiriir ah la laheyn Al-Itixaad, waana awoodo caabboon oo masraxa ku soo biiray. Gen. Maxamed Faarax Ceydiid, C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Col. Axmed Cumar Jees oo jabhadahaasi kala hogaaminayey waxay heshiis ku soo galay inay dowlad wada dhistaan. Sedaxdaasi nin inta aysan dagaalka bilaabin waxay shir ku yeesheen magaalada mustaxiil ee dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya heysato waxayna ku soo heshiiyeen awood qeybsi dhigayey inuu Ceydiid noqdo Madaxweyne, Cabdiraxmaan Tuur noqdo Madaxweyne ku xigeen, Axmed Cumar Jeesna uu noqdo wasiirka gaashaan dhiga dalka. Itixaad weli waxay u diyaar garoobayaan inay buurihii la soo sahmiyey ka sameystaan mucaskar, qorshahoodiina dib uma aysan eegin xilli ay dhaceen is beddeladaasi waaweyn ee aan ku soo sheegay. Heshiiskii awood qeybsi ee ay wada gaareen Ceydiid, Tuur iyo Jees ee loogu magac daray "AXDIGII MUSTAXIIL" ma uusan fulin, waayo inta uu Ceydiid ku mashquulsanaa dagaalkii Araarre iyo Kismaayo ayaa laga hoos bixiyey oo waxaa magaalada Jabuuti madaxweyne loogu soo doortay Cali Mahdi Maxamed. Doorashada Cali Mahdi aad ayey uga careysiisay Gen. Ceydiid, wayna u caddaatay in dabin la dhigay ay ku dhaceen rag isaga ururkiisii USC ku abtirsada, dabinkaas oo ujeedkii laga lahaa uu yahay midka maanta weli ka sii socda Soomaaliya. In doorashada Cali Mahdi ay ka dambeeyeen quwado shisheeye, misena laga lahaa ujeeddo ah in dagaal muddo dheer socda la geliyo Soomaaliya waxaa caddeyn u ah dhawr arimood oo markaasi dhacay. 1. Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya maamuladdoodii isku mar ayey dheceen oo talada laga tuuray. Maamulka Itoobiya waxay reer galbeedka ku taageereen inuu taladiisa qabto ninkii hogaaminayey ciidankii mucaaradka ahaa ee dalka qabsaday. Waa Meles Zenawi. Laakiin Soomaaliya iyadoo ninkii ciidanka dalka ka saaray Madaxweynihii talada hayey uu weli furinta jiro ayaa waxaa la qorsheeyey doorashada Cali Mahdi oo loo arkayey in beeshiisa Mudolood ay u babac dhigi karto Habargidir Haddii uu Gen. Ceydiid ku qanci waayo dhisidda dowladaasi. 2. Shirka lagu doortay Cali Mahdi ee Jabuuti waxaa ka qeyb galay sagaal Senetor oo Mareykan ah, kuwaas oo qaarkoodna si rasmi ah shirka u joogay, qaarna banaanka ka maamulayeen. Mana aysan jirin wax qorshe ah oo la sheegi karo oo senetoradaasi shirkaasi keeneen oo aan ka aheyn inay ku dadaaleen in dowlad la dhiso iyadoo uu weli Ceydiid dagaal ku maqan yahay. Tanina waxay aheyd dhacdo uu waqtiga uun uu wato ee Al-Itixaad uma aysan dhug yeelan oo isma aysan weydiin "Maxaa Meles taladii loogu dhiibay Ceydiidna booskiisii loo geynayaa ganacsade ku heyb ah?" illeen waa laba nin oo dagaal talada isku waqti kaga tuuray talisyadii dalalkoodee. Arrimahaasi waxay hal xiraale toos ah ku noqdeen Gen. Ceydiid. Durbana wuu garwaaqsaday inuusan hirgeli karin AXDIGII MUSTAXIIL. Al-Itixaad, Cali Mahdi iyo Cabdulaahi Yuusuf oo xabsi Itoobiya ah ka soo baxay Barina ku soo laabtay ayaa meelo badan kaga qornaa Buugga xusuus qorka General-ka. Ciidanka uu markaasi dagaalka kula jirayse waxay ahaayeen kuwo taageersanaa Madaxweyne Siyaad oo ay hogaaminayeen Gen. Maxamed Siciid Morgan iyo Gen. Maxamed Xaashi Gaani. Al-Itixaad weli diyaar garowgoodii uun bey wateen oo dib uma aysan eegin qorshihii Buuraleyda Golis, Muqdishona waxaa ka bilaabmay duufaano dilal iyo xasuuq ah oo lagu bartilmaameedsanayo dadka heyb ahaan u dhashay Daarood iyagoo aan loo kala soocin kuwii dowladda taageersanaa iyo kuwii mucaaradka ku ahaa. Waxaana la dhacayey hantidooda. Guryahoodiina waa laga qabsanayay. Heyb u dilka Muqdisho ka hana qaaday ee ka dhanka ahaa dadka Daaroodka ah wuxuu bedelay fikirkii iyo dareenkii dadka deegaanada u qorsheysnaa inay Itoxaadku degaan. Al Itixaad arrinkaasina uma yeelan wax feejignaan ah. Dalka oo dhami waxaa saameeyey dagaal sokeeye oo ku saleysnaa xasuuq ay isu geysanayeen beelaha Hawiye iyo Daarood, waxaana kala irdhoobay dadkii oo dhan. Qof walbana deegaanka uu joogo ayaa waxaa loogu dilayey heybta uu yahay darteed haddii uusan aheyn dadka deegaanka ku badan markaas. Itixaad iyagoo taas og ayey inta Sahay isku duwdeen waxay abbaareen dhankaas iyo buuraleyda Golis si ay mar uun uga dhabeeyaan furidda mucaskaradii ay ku haminayeen. Laakiin deegaanada ay yimaadeen ee Boosaaso iyo Laasqoray Xanta fadhi kudirirada lagu hayo ee lagu qaxweeyo waxay aheyd "Ceydiid Kismaayuu ku socdaa inuu qabsado, Xasan Daahirna halkan ayuuba heystaa" taas oo macnaheedu ahaa qabiil baa na qabsaday. Tanina meysan diirin Al-Itixaad oo hawshoodii ayey ka sii wateen. Waxayna ugu dambeyn la wareegeen deegaanada oo dhan iyagoo ilaha dhaqaalahana la wareegay. Qorshe xumaddii wadaadadii Itixaadka iyo ku dhegnaantoodii qorshihii ay degsadeen xilli ay wax walba ka duwanaayeen sida uu markaas xaalku yahay waxay keeneen in dhalinyaro badan oo jihaad doon ahaa loo laayo heybtii ay ka soo jeedeen iyo ururka ay ka tirsanaayeen dartood. Waxaa taas barbar socotay in jabkii Buuraha Saliid kaddib go’aanka odayaasha Itixaad uu ahaa inay iska kala taga ku yiraahdaan dhalintii gacantoodii ku harsaneyd, iyagoo aan meesha loo kala tagayo laga siin fasiraad dhab ah. Taladaasi waxay aad uga careysiisay rag dhalinyaro ahaa uu ka mid ahaa Macalim Aadan Xaashi Ceyrow iyo rag asxaabtiisa ah oo culimadoodii u arkay kuwo jihaadkii ka laabtay oo ciriiriga soo wajahay uu ku qasbay inay sugnaan waayaan. Halkan waxaa ku jirtay fursad ay lumiyeen Itixaadka oo aheyd inay bedelaan qorshihii ay dejiyeen bartankii siddeetamaadka. Waxayna aheyd inay ergooyin ducaad ah u kala diraan deegaanada Soomaalida oo dhan, kuwaas oo inta ay jiraan dabeylaha qabiilka dadka deegaanadooda ka dhex bilaabaya dacwada diinta, isla markaasna si aan toos aheyn dadka uga iibiya mabaadii’dii ururka. Waxayna ugu dambeyn fursad u heli lahaayeen inay mar qura hawl gal isku mid ah ka fuliyaan dhamaan gobalada dalka ee ay ku sugnaayeen haddii loo baahdo. Al-Itixaadna way uga sahlanaan laheyd inay iyaga mucaskar sameeyaan oo ay dadka deegaanka is dagaalaan. MUCASKARKII GEDO Qaladaad kale oo taariikhi ah ayaa ka dhacay Gedo inta ay ku sugnaayeen dagaalyahanadii Al-Itixaad intii ka horeysa sanadkii 1997-kii. Itixaadka oo ciidankooda ay magac ahaan u isticmaalayeen Mujaahidiinta ama Shabaabta oo ah magaca maanta ay adeegsadaan Dhaqdhaqaaqa Al shabaab, sida ay dadka deegaanka taageero ugaga baahnaayeen uguma aysan tureyn. Haddii ay wax uun yar oo qalad ah arkaanna waxay kala dul dhacayeen usha. Dadka oo jidadka lagu karbaasho iyagoo aan la xukumin, dhalinta oo timaha si jees jees ah looga rifo haddii ay Elfis ugu jaran tahay, sigaarka iyo rubaakada oo qofkii ka ganacsanaya laga gubo, iyo ammaro kale ayaa aragtida uu askari walba ku fulinayey iyadoo dadka deegaanka iyo socotadaba aan wax digniin ah horey loo siin, waanin iyo baraarujina daa. Hase yeeshee Al-Itixaadku waxay awood ahaan aad ugu tiirsanaayeen hadba beesha deggan meesha ay joogaan, Gedana waxay aad ugu tiirsanaayeen Beesha Mareexaan. Isla beesha dhexdeedana waxaa jiray jufooyin ay si aad ah dhalintoodii u gashay mucaskarada Itixaadka. Arrimo aysan Itixaadku fashilaad moodin balse saldhiga fashilka ahaa ayaa meeshaasi ka dhacay. Tan koowaad shacabkii ayaa guud ahaan ay ciriiri nololeed geliyeen, halkii ay uga nusreyn lahaayeenna way ku amar ku taagleeyeen. Fidintii diintana waxay ka dhigeen (qaladka waad gashay waana lagaa gudaa camal). Inta ay Itixaad meeshaasi ku sugnaayeen waxaa soo booqday wafdi ka socday Sheekh Usaama Bin Laadin, kuwaas oo Sheekh Xasan Daahir iyo intii talada ka go’day u waday fariin ay ka sideen Usaama. Fariintu muhiimadeedii waxay aheyd in Itixaad ay ku biiraan Alqaacida, Soomaaliyana uu ka taliyo amiir uu soo magacaabay Sheekh Usaama. Itixaadkii way diideen fariintii Sheekha. Waxayna ku adkeysteen inay kala ahaanayaan laba urur balse isku ujeeddo yihiin oo gurmad iyo gargaar isu fidin karaan. Taasi way u cuntami weysay ergadii Sheekh Usaama. Wuxuuna ku yiri baa la yiri "Haddii aad ii diideen inaan irridda ka soo galo, dariishada ayaan ka soo gali doonaa" Ergadii qeybna way iska laabatay qeybna waxay ku hareen Gedo si ay hawshii meeshaas ka socotay uga qeyb qaataan. Raggaasi haray waxay ka shaqeeyeen sidii ay u diyaarin lahaayeen rag ay ku kalsoon yihiin oo ay Soomaaliya u wakiishaan. Masuul ka mid ah masuuliyiinta Alshabaab oo xilligii Maxaakiimta ee 2006-dii aan kala sheekeystay sababta keentay jabkii Gedo, wuxuu ii sheegay qisadan cajiibka ah. waxaa jirtay beel ka mid ah beelaha deegaanka oo garab siisay Al-Itixaad ciidan ahaan. Beeshaasi waa la yara heyb soocayay. Waxaa ka gadmay hal ku dhigii Itixaad ee ahaa waa la siman yahay, xaqii baa la fahmay. Dhalintoodii inta ugu badan ayaa Itixaad askar u noqotay. Laakiin odayaasha kuma faraxsaneyn. Si ay dhalintaasi u xaqiijiyaan in xaqii la fahmay oo heyb soocii dhamaaday ayey ninkii dhalinta beeshaasi kaga biirtay itixaadka loogu xushmeynta badnaa ayey gabar uga dooneen wadaad ka mid ah odayaasha Itixaad ee deegaanka. Akhyaartoodii ayey soo kaxeysteen, baabuur ayey lacag badan oo shilin Soomaali ah ku soo qaateen yarad ahaan. Waxayna u gogol fadhiisteen odeygii wadaadada Itixaad ee beesha deegaanka ugu tunka weynaa. Markii xaajaddii la furay oo odeygii gabadhii la weysdiistay ayuu ku gacan seyray. Wuxuu ku soo wareegay geed dheer oo wuxuu yiri, waxaa jira dhaqan, marka hadde anaga iyo idinka isma guursano, waa inaan dhaqanka xushmeynaa, diinta waa goonideede. Raggii gabadha soo doontay sidii ayey gogoshii kaga kaceen iyagoo niyad jabsan oo ay u cadaatay in xaqa la fahmay uusan gaarsiisneyn in gabdhaha la kala guursado. Arrinkiina durba wuxuu gaaray Gedo oo dhan. Ninka gabadha loo diiday qudhiisa waa wadaad, waa jaamici, lacagna wuu leeyahay, waana taliyeyaasha Itixaad kuwooda loogu xushmeynta badnaa, Laakiin ceebta loo yeelay waa inuu ka soo jeedo beel la yara heybsoocay. Waxaa jiray nin dhalinyaro ah, dagaal yahanka ka mid ah oo isaga la dhashay. Ninkaas marka uu furinta dagaalka joogo maahee marka kale wuxuu ku shaqeystaa dameer uu biyo ku dhaamiyo. Diidmaddii walaalkii gabadha loogu soo diiday heybta darteed ayaa aad u saameysay, durba gar qurux badan oo uu lahaa ayuu iska xiiray, cimaamadii madaxa ugu duubneyd ee duub Itixaadkana wuxuu usoo dubay dameerkiisa, kaddibna xaafadaha Baardheere ayuu la soo dhex maray. Marka ay dadka weydiiyaan, war Sheekh Hebel maxaa dhacay? Wuxuu ku jawaabayey "Ka Leexo Xaquu Fahmee!" Dameerkiibaa xaqa fahmay ayuu magaaladdii la dhax maray. Bugto weyn ayey arrintii abuurtay. Itixaadka Gedo waxaa ugu magac dheeraa Sheekh Xasan Daahir Aweys. Inkastoo ay Hooyaddii Mareexaan tahay oo beesha deegaanka ay abtiyaal u yihiin haddana dadka deegaanku waxay u arkayeen nin aan ku beel aheyn inuu meesha ku jiro. Dhibaatooyinkii shacabka ay tirsanayeen. Ergaddii ka timid Afghanistaan iyo Niyadjabkii beeshii ugu ciidanka badneyd Itixaadka Gedo waxay soo dedejiyeen Jabkii Jabhadda, waxayna sabab u noqotay in rag maamulka meel sare kaga jiray ay Itoobiyaankii soo duulay la galbadaan. Itixaad waxay xubnaheedii dagaalka ku soo jabay ku amartay in dagaalka la joojiyo muddo 10 sanno ah, wax barasho ayeyna intii laga gaari karay u direen iyagoo adeegsanayey Hay’adihii carbeed ee dalka joogay. Hubkii iyo saanaddii militarina inteedii badneyd waxaa look ala qeybiyey beelihii ay ka soo kala jeedeen madaxdii ururka halka qeyb hubkaasi ka mid ahna lagu wareejiyey Shirkaddii Barakaat. Jabkii Bari iyo kan Gedo midna wadaadii kama daadejin inay dib isu xisaabiyaan. Kaliya waxay bedeleen magicii Al-Itixaad oo ay u bixiyeen Al Ictisaam. Xilligan ay hubkii dhigeen Itixaadku, wadaado kale ayaa qudhooda dabka dhankoodii ka qaatay oo carcar qaba. Xilli ay wadaadadu ka dhignaayeen sida ugaarta, oo dabato dagaal oogayaal ah ay qabqabanayeen una iib geynayeen sirdoon shisheeye ayuu Muqdisho ka dhacay kacdoon shacab. Kacdoonka ka hor wadaadadu wuxuu qorshahooda ahaa inay Muqdisho ka sameystaan goob dagaal oogayaasha ka caagan oo ay kaga nabad galaan. Deegaankaasi la filayey inuu noqdo goobaha ay magaalada ka deganaayeen taageerayaasha beeleed ee Sheekh Xasan Daahir iyo Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan. Hankoodii waxaa ka soo hor maray hibo Eebe. Kacdoonkii dadka ayaa wuxuu xaaqay dagaal oogayaashii. Guushani meysan daraaseyn wadaadada. Waxay ka qaadeen sas, waxay ku noqotay lama filaan. Awood is bidid iyo qab weynin ayey wadaadaddii bilaabeen. Meysan daraaseyn maxey dadku idinkugu hiiliyeen, sideese kalsoonidaas u ilaashan kartaan? Waa qalad kale oo taariikhi ah. Waxay u kala baxeen kuwa ku mashquulay dhaqaale sameysi. Kuwo dano beeleed raadinaya, iyo kuwo arinkii ku soo koobay waxaan ku soo dukaneynaa Addis Ababa iyo ereyo deel qaaf siyaasadeed ah. Fursaddii ugu qaalisneyd ayey lumiyeen wadaadu. Shariif oo wata magaca wadaad, iyo koox la socota oo taariikh ahaan ka soo kala jeedda Itixaad, Islaax oo dam Jadiid ah iyo Aala Sheekh ayaa taladdii dalka la wareegay. Inkastoo inta la dagashan ay ku doodayaan wuu na khiyaameeyey, haddana fursadda ugu dhow waxay aheyd inay isaga la gorgortamaan, ku qasbaan inuu fuliyo shuruudahoodii qeyb ka mid ah, awood qeysina la sameystaan, sidaasna ku soo fuulaan masraxa. Waxay mar afaraad aamineed inay qorigii ay Bari, Gedo iyo Muqdisho kula fashilmeed dib awooda ugu raadiyaan. Laakiin 20,000 oo shacab ah oo gacmahooda iyo kuwa AMISOM ku le’day kaddib weli wadaadaddii uma dhalan wax gool ah. Waxaa intaas ka sii daran, Wadaadadii waxay lumiyeen kalsoonidii shacabka, maantana xoogooda uunbey ku heystaan sidii dagaal oogayaasha mooyee lama helayo qof habeen marti gelin lahaa haddii ay taladu gacantooda ka wareegto. Intan kuma sinna qaladaadka taariikhiga ah. Dalalka reer Galbeedka Yurub iyo Mareykan qoysaska Soomaaliyeed ee degan aad ayey ugu dadaali jireen inay caruurtooda diinta baraan. Qofka uu wiilkiisa salaadda dukado wuxuu ku faani jiray wiilkeyga Masjidka ayuu II AADAA, laakiin kalmadaasi waxaa bedelay, wiilkii ayaa Masjidka IGA AADO, waa inaan raacaa oo aan ilaaliyaa. Tanina deelqaaf diimeed iska dheh. Maanta arrinka ugu xanuunka badan waxay tahay leynta shacabka ee ay wada geysanayaan AMISOM iyo wadaadada. Dhiigii dadka ayaa laga mid dhigay cibaadadii Allaah loogu dhowaanayey. Haddii uu qof su’aal ka keeno waxa socdana wuxuu noqonayaa Murtad, Khawaarij ama argagaxiso middood uun. Hadba qolada hadlakaaga dhibsata. Calankii dalka ayey wadaado jihad doon ah gubeen. Qabuuro ay dad diinta lagu tixgelinaayey ku aasnaayeen ayaa la faagay xushmaddii ahlu qabuurnimo xitaa laga xayuubiyey. Go’aano dadka uun ka maajiyana way ka soo baxaan hogaanka. Nin dhagool ah oo dhegihiisu geb yihiin ayaa tuug noqday. Maalin buu go’aansaday inuu xado laamayeeri meel yaalay. Laamayeeriga nin ayaa ilaalinayey, laakiin ma dul taagneyn. Tuugii dhagoolka ahaa, wuxuu gashanaa dacas saan dhagleynaya, balse isagu ma maqlayo. Ninkii laamayeerigase wuu dareemay inuu meesha nin marayo. Markii uu laamayeerigii qaadayey wuu shanqarayey, laakiin tuugu ma maqlayo wuxuuna is leeyahay laguma maqlo, laguumana jeedo. Ninkii ilaalinayeyse wuu soo dul istaagay, wuxuuna ku leeyahay "war halkeed u wadaa, dhig laamayeeriga?" Tuug-dhagoolse ma maqlayo. Markii uu laamayeerigii la dhaqaaqi raya ayuu ninkii is yiri bal gacanta qabo ninkan ku yasayo ee laamayeeriga iska qaadanaya. Tuugii markii korkiisa la taabtayba laamayeerigii ayuu tuuray wuuna cararay, ninkiina wuu ka dabacaray. Tuug tuug ayuu ku yiri. Dadkii oo dhan baa soo daba cararay. Tuugase siduu u dhego la’yahay uma orod gaabneyn. Dadkii waxay la yaabeen ninkan aan sooba jeesaneyn, orodna aan la gaareyn. Naxdintu waxay aheyd tuugii wuxuu abbaaray tog ay habar dugaag ka buuxdo oo haddii uu u galo ay dilayaan, si loo yiraahdo "waa lagaa haraye iska joogso ma leh" orod qof ku gaarana waa la waayey, Illaa markii naftiisa loo welwelay. Maanta waxaa isu muuqaal eg, tuugaas dhagoolka ahaa ee isagoo aan shanqarba dareemi karin inuu wax xado doonayey iyo wadaadada Soomaaliyeed ee aan cid sixi kartana jirin, qaladkoodana aan dib u eegi, dhiigii shacabka cibaado Allaah loogu dhowaado ka dhigaya. Waxaan ku soo koobayaa oraahdan oraneysa. (Qofkii ay hawadiisa been u sheegto tabartiisa ayaa run u sheegi doonta). Wixii talo iyo tusaale ah ... abukar.albadri@gmail.com
Waxaan ka mid ahay inta yar ee aadka ugu hiil heysa in Soomaaliya Shareecada Islaamka lagu xukumo. Allaahna waxaan ka baryaa mar walba inuu hankaasi inooga dhabeeyo.


















Mogadishu Time








