Kenya oo u baroor diiqaysa wasiiro ka geeriyooday


Nairobi-KNN: Dawlada ayaa ku dhawaaqday 3 cisho oo loogu baroor diiqayo wasiirkii amniga qaranka dalkaasi iyo ku xigeenkiisii oo shalay ky geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhaw magaalada Nairobi


War saxafaaded ka soo baxay xafiiska M/weynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa waxaa lagu sheegay in mudfdo sadex cisho dalkaasi ay ka socon doonto baroor diiq loo samaynayo wasiirkii amniga qaranka dalka Kenya Goerge Saitoti iyo ku xigeenkiisii oo ku naf waayay shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhaw magaalada xarunta ah ee Nairobi


M/weyne Kibaki waxaa uu sheegay inay u bilaabatay maalmo murigo leh sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in aas qarameed u samaynayaan wasiirada geeriyooday.


R/wasaaraha dalkaasi Railla Odinga ayaa sheegay inay baarayaan waxa sababay diyaarada wasiirada la dhacday waxaana maanta kulan deg deg ah yeelanaya wasiirada, R/waasaraha iyo M/weynaha dalkaasi.


Waa shilkii 4 aad o wasiiro dawlada Kenya ku geeriyoodaan tan iyo markii uu M/weynaha noqday Mwai Kibaki oo dalkaasi ka dhacay


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)