Ciidamada Syria oo duqeeyay magaalada Xomos
Damascus-KNN:Ciidamada dawlada Syria ayaa maanta duqeeyay magaalada Xomos oo ku taala bartamaha wadankaasi Syria kadib dagaalo magaaladaasi ka dhacay
Sida ay sheegayaan wararku ciidamada aaa madaafiicda cul culus ku garaacay xaafado magalaadasi ku yaala oo la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen kooxaha hubeysan ee ciidamada dawlada la dagaalama.
Wararku waxay intaa ku darayaan in duqeymahaani ay bilawdeen kadib markoo ciidamo ka tirsan kooxda la baxday ciidamada Xorta ah ee Syria ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dawladu ku leeyihiin magaalada Xomos.
Lama oga willi wax khasaaro ah oo ka dhashay hase ahaatee qof deegaanka ah oo lagu magacaabo Abuu Bilaal ayaa warbaahinta u sheegay in dhismooyin badan bur bureen.
Sidoo kale magaalooyinka Juceyr Al-Shayyaax iyo Al-Xamiidiyah ayaa sidoo kale maata duqeyni ka jirtay


















Mogadishu Time








