Maxaad ka taqaanaa dalka Jabuuti (Warbixin)
Jabuuti--Dalka Januuti oo daris la ah Soomaaliya ayaa waxaa jira waxyaabo badan oo uga duwan yahay Soomaaliya, waxaana ku nool Soomaali badan hadaba Farqiga u dhaxeeya kaga bogan warbixintaani kooban.
Waa dal badanaa Cimiladiisa ay kulashahay, waxaana xaraarada kulka todobaayadaanba ay ahayd 40 ilaa 42 digri sidaasi awgeedna cidiiba awooda xagaabax ayey u aadaa meelo sidaasi ay cimiladeedu ka dagan tahay
Kulka awgii waxaa dalka aad looga qiimeeyaa Korontada oo qeyb ka mid ah Jabuuri ay uga timaado dhinaca Ethiopia,
Jabuuti malaha qeyraad sidaasi u buuran gaar ahaan malaha wax dhul beereed ah, waxaana la sheegay in dowladda ay dhulbeereed ka kireysatay Ethiopia oo halkaasi dalagyo u badan qudaarta ku beerto.
Dhinaca badda waxa uu dalka leeyahay Xeeb dheer laakiin dadka u dhashay Jabuuti badanaa ma daneeyaan isticmaalka Kaluunka ama xitaa jalaabashadiisa.
Caasimada Jabuuti dhismo ahaan wey kala duwan tahay badanaa lagama daneeyo dabaqyada dhaadheer laakiin waxa ay leedahay dhismooyin badan oo aad kuu soo jiidanaya.
Wadooyinka intooda badan wey bilicsan yihiin oo aadbaa looga shaqeeyay, waxaana ka mid ah waxyaabaha aad halkaasi ku arkeyso xaafado laga kordhisay badda oo mararka qaar waxaa dhaceysa in adiga gaari saaran aad aragto badii oo dhinacaaga ah iyo maraakiib dulmaraysa.
Magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti waxaa ku wada nool Qoomiyado kala duwan Soomaali iyo Canfar, Faransiiska halkaasi ku nool ma tira yara dad carab ahna wey joogaan.
Waxyaabaha kusoo jiidanaya waxaa ka mid ah dhamaan dadkaasi kala duwan qof waliba waxa uu ku hadlaa Luqadiisa marka ay sheekeysanayaan isaga oo qof waliba Luqadiisa ku hadlaya ayey hadana is fahmaan.
Daka ku hadla Af Soomaaliga ee Jabuutiyaanka ah ma qoraan farta Soomaaliga ah dalkana malaha qoraalkaasi, waxaana Iskuulada Jabuuti inkastoo qof waliba ku hadla Luqadiisa hadana ay dadka isku fahmaan oo ay wax ku wada qoraan afka faransiiska.
Inta badan Jamhuuriyada Jabuuti waxa uu dhaqaalaha kasoo galaa Dekada iyo Garoonka diyaaradaha iyo sidoo kale shisheeyaha dalkaasi taga oo aad u badan. Waxaana amaanka dalka uu yahay mid si aad ah la isugu haleen karo.
Dadka reer Jabuuti ma jecla ka hadalka arrimaha siyaasada, waana dad Soomaalida aad usoo dhaweeya.
W/D: Yuusuf Keynaan Radio Kulmiye Muqdisho.


















Mogadishu Time








