Ivanovic oo ugu baaqay Chelsea inay soo qaataan Luka Modrich


London--KNN--Difaaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa sheegay inuu la kulmay Loka Modric oo khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Tottenham uuna usheegay inuu ka tagayo hotspors-ka.


 

Modric ayaa doonaya inuu ku biro labo kooxood midood Manchester United ama real Madrid sida uu ii sheegay ayuu yiri Ivanovic xidiggaasi modric waana in Chelsea ay ku baratantaa helitaanka laacibkaan.
 
 
Kubad Qaabeeyaha xulka qaranka Croatia iyo Kooxda Tottenham ayaa waxa uu ka mid yahay ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa ee khadka dhexe ka ciyaarayey koobka Qaramada Qaarada Yurub 2012.
 
 
 
Difaaca Serbia udhashay ee Branislav ivanovic ayaa sheegay in Chelsea aysan ka caajisin inay lasoo wareegto luka modric oo ah mid ku wanaagsan dhexda iyo weerarka intuba ayna ku dagaalanto Real iyo Man united.
 
 
Ma cada ilaa iyo iminka halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka ciyaareed luka Midric ma Tottenham ayuu ku nagaan doonaa mise real ama man united ayuu ku biiri doonaa?


Xasan Cabdullaahi
 
Qeybta Sportiga KNN
 

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)