Iiran oo gantaallo tijaabinaysa.
Tehran--KNN--Taliyaha ugu sareeya ciidamada cirka dowladda iiraan general Amiir cali xaaji oo la hadlay wakaaladda iiraan u faafisa wararka ayaa sheegay in dowladda iiraan todobaadkan ay tijaabinayso gantaallada nuuca ....
Taliyaha ugu sareeya ciidamada cirka dowladda iiraan general Amiir
Generalka ayaa sheegay in talaabadan ay ula dan leeyihiin inay ku cabsi geliyaan dowladaha maanka ku haya in iiraan ay weerar ku soo qaadaan oo ay dareemaan awoodda jamhuuriyadda iiraan.
Waxana sidoo kale uu generalkan uu u caga jugleeyay isra’il isagoo sheegay inay cagta marinayaan hadii ay joojin wayso talaabooyinka ka dhanka ah dowladda iiraan.
Dowladaha reer galbeedka ayaa waxa ay wadaan cadaadis xoogan oo ay saarayaan dowladda iiraan , iyagoo marar badan ku soo rogay cunaqabatayno inkastoo dowladda iiraan ay horay u sheegtay in cunaqabataynada la saarayo ay yihiinm kuwo aan wax dhib ah u geesanaynin dowladda iiraan


















Mogadishu Time








