Maradona: Xulka k/cagta spain waa Matoor wax dhaqaajiya


UAEMa jirto cid ka adkaan karta dunida waddanka Spain ayaan leeyahay waxana ku tilmaami karaa mishiin dhaqaajiye ah xulka Spain.


  

Waxaa sidaa Ciwaan looga dhigay mid ka mid ah wakaaladaha Sportiga ka faalooda iyadoona Maradona mucjisadii k/cagta uu sheegay in Spain awood ciyaareed iyaga inay adduunka ugu wanaagsan yihiin.

 

La Roja waa Xulkii habeen ka hor ku guuleystay Koobka Qaramada Qaarada Yurub Waxaana si weyn weli isku soo taraya waddamada iyo dadka ciyaaraha lagu yaqaano ee hambalyada udiraya.

 

“Xulka k/Cagta Spain waa Matoor Wax dhaqaajiya oo kale waxaa sidaa sheegay macalinka naadiga Al Wasl Diego Armando Maradona oo k/Cagta si weyn loogu Yaqaano Argentina kusoo Caanbaxay 20 sano ka hor”.

 

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay Maradona in Macalinka Spain Vicent Del Pasque uu Taariikh unoqon doonto wixii uu ka dhigay finalihii ay talyaaniga Uero 2012 4-0 ku garaaceen.

 

Xasan Cabdullaahi


Qeybta Sportiga KNN


Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)