Ashley Cole oo laga yaabo inuu ku biiro Kooxda K/Cagta Manchester United


London--KNN--Difaaca Garabka bidix ee xulka England iyo Kooxda Blueska Chelsea Ashley Cole ayaa lala xiriirinayaa inuu ku biiro kooxda Man United taasi oo maanta sheegtay inay quudareyneyso laacibkaasi.


Warbixin caawa la daabacay ayaa lagu sheegay inta uusan xirmin ay suura gal tahay in Red Devils-ku la wareegaan Ashley Cole.

 

Xidiggaan hore ugu soo ciyaaray Gunnerska Arsenal ayaa muddo kusugnaa Stamford bridge mana jirto cadad lacageed oo laso bandhigay ay Man united ku dooneyso inay kula wareegto Ashley Cole.

 

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xidigga Chelsea Cole kaasi oo kaga hadlayo mustaqbalkiisa ciyaareed halka uu ku dambeyn doono.

 

Xasan Cabdullaahi

 

Qeybta Sportiga KNN

 

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)