Kooxda K/cagta ee Galatasaray oo dalab u dirtay Andrey Arshavin.
London--KNN--Kooxda kubadda cagta ee Galatasaray ee Dalka Turkiga ayaa dalab xoogan Udirtay kooxda Arsenal ee ciyarta Premier league-ga dalka England si ey uga soo qaatan xiddiga Rer Rusia ee Andrey Arshavin lagu magacaabo.
Kooxda kubadda cagta ee Galatasaray ee Dalka Turkiga ayaa dalab xoogan Udirtay kooxda Arsenal ee ciyarta Premier league-ga dalka England si ey uga soo qaatan xiddiga Rer Rusia ee Andrey Arshavin lagu magacaabo.
wada hadalo ayaa u socda labada koox kuwaa oo maraya meel xasasi ah islka markaana laga yaabo in Arsenal ay ku iibiso Ciyaryahankooda kuwanagsan ka ciyarista Qadka dhexe Iyo weerarka
The Sun ayaa qortay in Galatasaray et diyarisay lacag dhan 4 million oo Pound si ey u qaataan xidigan heerka caalami isla markaana Arsenal madax u hadashay aya shaaca ka qaaday in hadii Arshavin uu baneynayo Emarates ey helaan lacag dhan 7 million oo Pound
Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger oo saxafadda la hadlayay ayaa sheegay in ciyaryahanka hada ey tahay in uu sii joogo kooxda isla markaana aney jiri sabab cad oo xiddigasi uga tago nadiga Arsenal.
Muuse Cabdi C/lle
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








