Madaxweynaha oo Boqolaal Ruux tujiyay Salaadda Ciidda maanta
Muqdisho--KNN--Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa Maanta uu Saalaadda Ciidda uu Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho uu ku dushiyay Boqolaal
Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa Maanta uu Saalaadda Ciidda uu Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho uu ku dushiyay Boqolaal Ruux oo gudanayay waajibaadka Salaada Ciida.
Madaxweynaha ayaa waxaa u Badnaayeen Jameecada uu Dushinayay Madaxda Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom ee Muslimiinta ah, waxuuna markii ay Salaada Dhamaatay uu qudbad ku aadan Farxadda Ciidda uu ka jeediayay Jameecada horteeda isagoo ugu Hanbalyeeyay farxada Ciidda.
Dhanka kale sidaani oo kale ayaa waxaa mar Qura Masaajidada dalka Soomaaliya looga Wada Dugtay Salaada Ciidda iyadoo ay Masaajida ay wax qilaaf ah soo kala Dhexgalin Ciidaan, iyadoo ay horaan dadka Muslimiinta ah isku qilaafi jiray in ay Ciitahay in aysan Ciidd aheyn balse ay Maanta noqotay mid si guud ahaan la isku raacay.
Ugu danbeentii Madaxweynaha ayaa sidaani oo kale Ciidii hore ugu Dushiyay Masjidkaani isbaheysiga oo ay Maanta si weyn ugu Dukadeen Madaxda Dowladda iyo qaar ka socda Shacabka Soomaaliyeed , iyadoo ay si iskumid ah ugu wada Dukadeen Masaajidkani.


















Mogadishu Time








